Dhaq-dhaqaaqa Muqdisho oo ra’iisul wasaare Kheyre u xayirnaa saacado badan

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhaqdhaqaaqa Magaalada Muqdisho ayaa saacado badan u xayirnaa Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kadib markii la sheegay inuu booqasho ku tagay ْXarunta Wasaaradda Qorsheynta ee dowladda Soomaaliya.

Ciidamo aad u badan ayaa lagu soo daadiyey jidka Makka Al-Mukarama, waxaana gabi ahaanba la xiray jidkaas oo loo diiday inay isticmaalaan Gawaarida.

Dadweynaha Muqdisho qeybahooda kala duwan ayaa ku xayirmay xaafadaha iyo meelaha Ganacsiga kadib markii loo diiday inay jidka Makka AL-Mukarama isticmaalaan.

Gawaarida dadweynaha iyo kuwa sida gaarka loo leeyahay ayaa gebi ahaanba loo diiday jidkaas waxaana la arkayey dadweyne badan oo ku lugeenayo jidakaas.

Jidka ayaa waxaa loo xiray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, wuxuuna mid kamid ah dadkii jidka loo diiday inay isticmaalaan Caasimadda Online u sheegay  sidaan:

” Jidka Makka Al-Mukarama wuxuu saacado badan u xayirnaa Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana la yaab leh inuu watay 20 gawaari oo isugu jiray kuwa dagaalka iyo kuwa aan xabadda karin sidaas oo ay tahayna waxaa loo xiray jidka” ayuu yiri

” Habeenkii lix saac marka uu jidka firaaqo noqday dadkana ay wada jiiftaan ayuu Kheyre dhuulatus ku sameeyaa Jidadka Muqdisho, haddana waa kaas jidadka naga xiray, aaway amnigii uu ku faanayey inay dowladiisa Muqdisho u keentay” ayuu sii raaciyey.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasaimada@live.com