Dil fool-xun oo ka dhacay garoonka Aadan Cadde xili uu halkaasi ka dhoofayey Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Askari ka tirsan Ciidamada Dowlada ayaa toogasho ku dilay Haweeney Safar aheyd oo dooneysay inay gasho gudaha Garoonka Aadan Cadde.

Dilka Haweeneydaani ayaa ka dhacay Albaabka hore ee Garoonka Aadan Cadde, waxa uuna falkaani dhacay xili uu Madaxweynaha Somalia Farmaajo ka dhoofaayay Garoonka.

Haweeneyda lagu hor dilay Albaabka Garoonka ayaa xiligaasi wadatay Boorso ay ku safreysay waxaana lagu amray inay dib ugu laabato Isgooska KM-4 ayna kasoo raacdo basaska dadka geeya Garoonka lacagtana ka qaata, waxaana xigay dilka.

Dilka Haweeneydaani oo ahaa mid xaq daro ah ayaa waxaa loo sababeeyay Shirkada dadka Musaafuriinta ah kasoo qaada Isgooska KM-4, waxa ayna arrin yaabka leh noqotay in dilka lagu soo beego xili Madaxweynaha Somalia uu ka dhoofaayay Garoonka Aadan Cadde.

Dhinaca kale, Shirkada jid gooyooyinka dhigatay Isgooska KM-4 ee dadka dhaqan iyo kuwa tabaaleysan ee Safarka ah ka qaadata dhaqaale xoogan ayaa lacago laaluush ah siisa Ciidamada ku sugan Afafka hore Garoonka si ay u celiyaan dadka musaafuriinta ee Boorsooyinka wata.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com