Maraakiib dagaal oo lagu arkay xeebaha Somalia iyo dyaaradaha qumaatiga u kaca oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xeebaha Somalia soo gaaray Maraakiib Dagaal oo ay la socdaan Ciidamo aad u farabadan kuwaa oo aad ugu soo dhawaaday Xeebaha.

Maraakiibtaani ayaa la sheegay in laga leeyahay dalalka Spain, France iyo Italy.

Maraakiibtaani ayaa waxaa xaqiijiyay Hay’adda kor kala socota howlaha Burcadbadeeda waxaana la sheegay in Maraakiibtaan ay Xeebaha Somalia ka bilaabi doonaan howlgal ka dhan ah Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.

Sidoo kale Maraakiibtaan ayaa si weyn u ilaalin doona Xeebaha Soomaaliya iyo Maraakiibta Ganacsiga ee Maraya badweynta Hindiya.

Maraakiibtaani ayaa ah nooca xinbaara Diyaaradaha dagaalka, waxaana iminka la socda Diyaarado nooca qumaatiga u kaca.

Sargaal ka tirsan Ilaalada Xeebaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la qaado tilaabooyin cadcad oo looga baaqsanaayo Kooxaha Burcadeeda Soomaalida.

Talaabadaani ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan Xeebaha Somalia lagu afduubtay Markab iyo Dooni siday rar kuwaa oo ka kala imaaday Jabouti iyo Yemen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com