DILAL qorsheysan oo xalay ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helaya dilal xalay siyaabo kala duwan uga dhacay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyo duleedkeeda, kuwaasoo ay sheegatay Al-Shabaab.

Weerarka koowaad ayaa ka dhacay degmada Warta Nabadda, waxaana lagu dilay Ismaaciil Maxamed Aadan, sida ay shaacisay kooxda Al-Shabaab.

Marxuumka ayey kooxdu sheegtay inuu ka tirsanaa ergadii wax kaa soo xushay xildhibaanada baarlamaanka 10-aad ee dalka, waxaana toogasho ku dilay rag ka tirsan Al-Shabaab oo dhacdada kadib isaga baxsaday halkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta ay goor dambe gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo sameeyey baaritaano kooban, balse ma jirto cid ay u soo qabteen falkaasi.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in dil kale oo loo geystay sarkaal ciidan ay ka fulisay deegaanka Ceelsha Biyaha ee duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab ma shaacin magaca sarkaalkaasi, balse waxa ay sheegtay in xubnaha dilay ay horay uga qaateen hubkii uu watay, sida ay hadalka u dhigtay.

Weli ma jiro wax faah faahin ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda oo ku aadan dilalkaas siyaabaha kala duwan u dhacay ee ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Weeraradan ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii la soo dhaafay ciidamada Booliska Soomaaliya ay kordhiyeen howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga caasimada iyo deegaanada ku xeeran, maadaama lagu jiro xilli doorasho, ayna taagan tahay xiisad siyaasadeed.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii