Xog: Ciidamada Farmaajo iyo Rooble ee isku hor-fadhiya Villa Somalia oo xal loo helay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamo ka socda howlgalka AMISOM ayaa lagu wadaa in la kala dhex dhigo xafiisyada Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo oo khilaaf adag uu ka dhaxeeyo, xilli ay xiisad dagaal ka jirto Villa Somalia.

Villa Somalia ayaa waxaa isku hor fadhiyey ciidamo kala taabacsan Farmaajo iyo Rooble wixii ka dambeeyey dhacdii 27-ka December ee lagu afgambi rabay xafiiska Rooble, markaas oo kadib Rooble uu keensaday ciidan dheeraad ah oo suga amnigiisa.

Ciidanka AMISOM ee la geynayo inta u dhaxeysa labada xafiis oo ku wada yaalla gudaha Villa Somalia, ayaa ku imanaya hindise ay ka dambeyso beesha caalamka, waxaana la sheegay in aysan ka amar qaadan doonin dhinacna, balse ay ka hortagi doonaan in isku dhac uu ka dhaco Villa Somalia.

Villa Somalia ayaa waxaa horey u joogay ciidamo Amisom ah, oo suga amniga madaxtooyada, balse waxaa lagu xoojinayaa ciidamo dheeraad ah oo xiisadda kala dhex-gala.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa intaas ku dareysaa in la dejin doono ciidan ka socday xafiiska Farmaajo oo qoryo la fuulay dusha sare ee Haan-biyood ku taalla gudaha madaxtooyada, halka qeybaha sare ee xafiiska Rooble laga dejinayo ciidan kale oo difaac uga jira.

Xaalada madaxtooyada ayaa u muuqata mid qarka u saaran gacan ka hadal, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo labo ka mid ah wasiirrada taabacsan, oo iyagana degan xeendaabka waxay soo xareysteen hub iyo ciidan xoog leh.

Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa horey u deganaa xeendaabka Villa Somalia, balse waxaa toddobaadkan kusoo biiray oo soo degay wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, waxayna degan yihiin guryo u dhaw xafiiska ra’iisul wasaaraha, labada wasiir ayaa la sheegay in ciidan xoog leh ay wataan.

Wixii ka dambeeyey markii uu fashilmay afgembigii la sheegay in Farmaajo u maleegay Rooble waxaa cirka isku shareeray kala aamin-baxa labada nin ee kala joogta xafiisyada ugu sareeya dalka.

Maalmihii u dambeeyey Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u xusul duubayey inuu la wareego mas’uuliyadda ammaanka guud ee dalka, balse waxaa ka hor taagan madaxda dowlad goboleedyada taabacsan Farmaajo, waxayna hadda doodaasi saaran tahay miiska shirka golaha wadatashiga qaranka, inkastoo la dhaqaaji waayey.

Dooda Rooble ee ah inuu Farmaajo laga wareejiyo masuuliyadda ammaanka dalka ayaa hadda u muuqata mid sii dhimaneysa, waxaana aad looga dooday shalay, iyadoo maanta la isku deyey in xal laga gaaro cabashadii ka soo laabatay kuraasta dooran ee golaha shacabka, balse ilaa hadda wax la isku fahmay lama shaacin.