Waqtiga rasmiga ah oo ay Amisom Stadium Muqdisho ka baxayaan oo la sheegay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda federaalka ah ayaa qorsheyneysa in AMISOM ka guurto tuulada cayaaraha ee Mogadishu Stadium inta u dhaxeysa January -June ee sanadka soo socda.

La-taliyaha amniga ee madaxweyne Farmaajo Cabdi Saciid ayaa sheegaya in arrintan ay qeyb ka tahay qorshaha amniga qaranka wajigiisa 1aad oo lagu wado inuu ka koobnaado:

  1. Ka Bixitaanka AMISOM ee Mogadishu Stadium, 2. Isu furista jidka Xamar ilaa Baydhabo iyo 3. la wareegista Leego.

Dhinaca kale, waxaa uu Saciid ka hadlay inay diyaar yihiin mashaariic lagu dhisayo Mogadishu Stadium iyo jidadka u dhow kuwaas oo ay diyaarisay dowladda federaalka ah.

“La wareegitaanka Mogadishu Stadium waxa wehliya dhismaha waddooyin, waxaa soo dhan waa diyaar, dhammaan hey’adihii ka shaqeyn lahaa iyo lacagihii” sidaasi waxa yiri la-taliyaha madaxweynaha.

Mashaariicdan waxaa qeyb ka ah: hey’adaha iyo dalalka deeqda bixiya, wasaarado ay ku jirto midda cayaaraha, gobolka Banaadir iyo hey’ado kale.

Mogadishu Stadium waxaa muddo 10 sano uu dhufeys u ahaa AMISOM, qorshaha waxaa uu yahay in laga dhigo sidii uu ahaa iyo meel ay dhalinyarada ku cayaari karaan.

Dowladda federaalka ah qorshayaasheeda waxaa ka mid ah inay Hoteello iyo goobo lagu nasto ka hirgeliso aagga Mogadishu Stadium.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com