24.4 C
Mogadishu
Saturday, July 12, 2025

Document: DF oo u magacawday nin saaxiib la ah Axmed Madobe

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha DFS, ayaa mas’uul cusub u magacawday magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Wareegto kasoo baxday Hay’adda ayaa waxaa Agaasimaha socdaalka iyo Jinsiyadaha Jubaland loogu magacaabay ninka lagu magacaabo Cabdisalaam Xasan Xuseen (Malow) oo horay uga mid ahaa shaqsiyaadkii ka shaqeeyay dhismaha maamulka Jubbaland.

Agaasimahaani cusub ayaa sidoo kale xubin firfircoon kasoo noqday Gudigii sameynta Dastuurka Jubaland iyo Gudigii farsamada shirarkii madasha wada tashiga qaran ee heer dowlad Goboleed.

Magacaabida Agaasimahaani lagu naaneyso (Malow), ayaa waxaa ka danbeeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ay horay usoo wada shaqeeyen waxa uuna saaxiib dhow la yahay Madaxweyne Madoobe.

ll

- Advertisement -

Read more

Local News