Heshiiskii Somaliland iyo DPWorld ee dekeda Berbera oo fashilmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la soo sheegaya ain fashil uu ku imaaday heshiiskii dhawaan dhexmaray maamulka Somaliland iyo Shirkada DPWorld ee dib u dhiska iyo casriyeynta ku sameyn lahayd Dekadda Magaalada Berbera.

Fashilka Heshiiska ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii Wafdi ka socday maamulka Somaliland ay magaalada Abu Dubai ee Dalka Imaaraatka Carabta u aaden dhameystirka Heshiiskii qabyada ahaa ee dhawaan ay ansixiyeen Golaha Wasiirada maamulka.

Fashilka Heshiiska wajigiisa labaad ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan Somaliland ay saluugeen saami qeybsiga dhaqaalaha kasoo baxa dekadda taa oo aheyd in 35%Dakhliga Dekadda ay qaadato Somaliland halka 65% ay qaadaneyso Sharikadda DPWorld ee dalka Imaaraadka.

Fashilka Heshiiska ayaa sidoo kale loo sababeeyay kadib markii xubin ay dalbadeen maamulka Shirkada DPWorld inuu ku jiro wafdiga kana tirsanaa maamulka Siilaanyo laga eryay Xukuumada Siilaanyo, taasi oo noqotay sababta ugu weyn ee fashilisay Heshiiska.

Fashilkaani ayaa soo degdegay markii Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uu shaqo ka fadhiisin ku sameeyay ninka lagu magacaabo Cali xoor-xoor, kaasi oo laf dhabar u ahaa Heshiiska, waxaana sidaa ku fashilmay shirka, sida ay xogtu tibaaxeyso.

Maamulka Shirkada DPWorld ayaa Wafdigaasi u sheegay inay dib uga baxeen Heshiiskii horay loo wadagalay, waxa ayna sheegen in Heshiiska uu dib usoo laaban doono goorta la soo doorto Xukuumada cusub oo ay la jaanqaadi doonaan.

Dhinaca kale, Wafdiga ka socday Somaliland ee uu hogaaminaayay Wasiiradda Maaliyadda Zamzam Cabdi Aadan, ayaa si wajigabax leh uga soo ambabaxay magaalada Abuu Dubai ee Dalka Imaaraatka Carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com