25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Document: Miisaaniyadda DFS oo isu bedeshay boobka hantida Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Miisaaniyadda Wasaaradda Maaliyadda Somalia ay horgeysay Baarlamaanka Soomaaliya 2014-ka oo dhamaanteed ka imaanaysa Magaalada Muqdisho iyo Miisaaniyaddii la ansixiyey 2013-ka iyo qarashka dawladda Federaalku sheegtay in si dhab ah loo isticmaalay 2013, ayaa waxaa ka muuqda waxyaabo yaab iyo qosol leh.

Miisaaniyadda ma ahan mid dowladeed, ee waa hantida iyo dhaqaalaha Muqdisho oo magac dowlad la rabo in lagu qaato, ayada oo dalka intiisa kale aanu sidaas la qabin.

Dulduleelka Dakhliga Miisaaniyadda Federaalka

1- Dakhliga Dawladda Federaalka ee Miisaaniyaddan ku jira Gebi ahaan waxuu ka imaanayaa Magaalada Muqdisho, taa macnaheedu yahay in Muqdisho iyo dadka degan hantidooda la wada lee yahay, kuwa kale ee Somalia-na la kala lee yahayn

2- Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ineysanba daneyneyn meel ka baxsan Muqdisho inay u dhaqaaqo, oo ay lacag iyo miisaaniyad u raadsato.

3- Miisaaniyadda gebi ahaanba uma eka miisaaniyad lagu saleeyey qorshe sax ah, miisaaniyadd ay diyaariyeen dhaqaalayahan, Miisaaniyaddu ma ahan mid ay la socoto tariifooyinka canshuureed la yaqaano.

4- Miisaaniyadii la qorsheeyay 2013-ka waxaad arkeysaa qeybo badan oo kamid ah ineysanba soo xaroonin, taasoo muujinaysa inaan qorshe lagu diyaarin.

5- Miisaaniyaddu waxay ku tusaysaa inuusan Soomaaliya ka jirin isla xisaabtan.

6- Miisaaniyadda qaabka loo diyaariyey ayaan gebi ahaanba caddeyn, Dakhli loogu tala galay in la dhaco, qaab loo raad raacana aanba la helin, magacyada meelaha lacagaha inay kasoo xaroonayaan la sheegay qaar waa soo noqnoqanayaan, qaar wax la Fahmayaba ma ahan sida “ KUWO KALE, LABA DHINAC, DHINACYO BADAN.

7- Dakhligaan wuxuu u qoran yahay qaab duuduub ah, in la musuqmaasuqo sahlaayo, waxaa ka maqan waxyaalo badan oo haatan dawladdu canshuurto.

FG. Qarashka Dawladda Federaalka ee loo qorsheeyay in lagu bixiyo Dakhliga Miisaaniyaddan 2014-ka ee ka imaanaya Magaalada Muqdisho kaliya, waxyaalaha uu ku salaysan tahay dhowaan ayaan idiin soo gudbin doonaa, laamaha Dawladda laga soo bilaabo Madaxtooyo, Xafiiska Raisul Wasaaraha, Baarlamaanka, Xukuumadda iyo Laamaha kale ee Dawladda qarashaadka ay soo qorteen waa ADEEGA SHAQAALAHA & ISTICMAALKA AGABKA IYO ADEEGA.

Lacagtaan ka badan 200 Milyan Doolar wax muuqda oo service ah oo shacabka Muqdisho loogu qabanayo ma jirto.

Halka kala deg document-ga miisaaniyadda DF

- Advertisement -

Read more

Local News