Donald Trump oo siyaasad ka damacsan Soomaalida laga soo tarxiilayo Mareykanka

Washington (Caasimadda Online) – Dowaldda Mareykanka ayaa labada maalmood ee soo aadan midkood soo musaafurin doonta 100 Soomaali ah kuwaas oo sharci darro ku joogay dalkooda.

Dadka lasoo celinayo ayaa la sheegay iney isugu jiraan dad dambiyo galay, dad loo diiday sharciga iyo qaar aan la ogeyn waxa loo heysto, waxaana hay’adda u doodda muslimiinta ee dalkaas (CAIR) sheegtay qorshahaan uu yahay mid siyaasadeed.

Dadka la musaafurinaayo waxaa ku jira wiil 24-jir Soomaali ah kaas oo ay hooyadiis sheegtay inuusan wiilkeeda galin wax dambi ah oo qasbaya in dib loogu celiyo Soomaaliya.

Jeylaani Xuseen oo ka tirsan hay’adda CAIR ayaa sheegay in qorshahaan uu ka mid yahay mid uu ololahiisa doorashada ku xoojinayo Donald Trump.

Qareenka wuxuu sidoo kale sheegay iney ku jiraan dad qaba xanuunka COVID19 oo si ba’an ugu rafanaya wadanka Mareykanka, waxaa sidoo kale ku jira dad dhimirka ka xanuunsanaya.

Si kastaba cadaadis badan ayuu Donald Trump saaray dadka Soomaalida ah tan iyo markii la doortay sanadkii 2016, waxaana walaaca sii badiyay kadib markii ay fagaare hadalo kulul isku dhaafsadeen gabadha Somali-American-ka ah ee fooqa sare kaga jirta siyaasadda dalkaas Ilhaan Cumar.