Mahad Salaad oo ku taliyey in heshiiska lagu gaarayo Muqdisho lagu daro 2 qodob

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa ka hadlay arrimo ku aadan shirka wada-tashiga magaalada Muqdisho ee u dhexeeya madaxda dowladda dhexe, kuwa dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Mahad Salaad ayaa marka hore rajo xumo ka muujiyey shirkan, wuxuuna sheegay in heshiis walba oo la gaaro in uusan ka fulin doonin Madaxweyne Maxamed Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Madaxweynaha Soomaaliya uusan illaa iyo hadda qaadan go’aan uu doorasho ku aadayo, sida uu hadalka u dhigay.

“Heshiis kastoo Farmaajo iyo Madaxda DG Xamar ku shirsan maanta gaaraan dhanka Farmaajo kama fuli doono. Sababtoo ah Farmaajo ilaa hada ma qaadan go’aan uu doorasho ku aadayo.” Xildhibaan Mahad Salaad oo si aad ah u mucaarada dowladda.

Dhinaca kale wuxuuu soo jeediyey in heshiiska la gaari doono lagu daro labo qodob oo kala ah muddo cayiman oo doorashadu ku bilaabanayso kuna dhamaanayso.

“Sidaas daraadeed, waxaan kula talinayaa Madaxda DG in qodobada heshiiska lagu daro muddo cayiman oo doorashadu ku bilaabanayso kuna dhamaanayso si looga badbaado iska-daba-wareegga Farmaajo u qorsheysan.” ayuu hadalkiis sii raaciyey xildhibaanku.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli qodobada qaar ay isku mari la’yihiin madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ee shirsan magaalada Muqdisho.