Maamulka Sh/Hoose oo laba sabab ku diiday in Afgooye ay ka qeyb gasho tartanka dagmooyinka G/Banaadir

Afgooye (Caasimadda Online) – Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose ayaa si cad u diiday in koox ku ciyaareysa magaca dagmada Afgooye ay ka qeyb gasho tartanka dagmooyinka gobolka Banaadir iyagoo cuskanaya laba sababood.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelada Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa qoraal uu bartiisa facebook kusoo qoray si cad ugu beeniyay, wuxuuna sheegay in koox dagmada uu masuulka guud ka yahay aysan tagi doonin Muqdisho.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay in gobolka Banaadir ay isku khilaafsan yahiin arrimo dhanka soohdimaha ah oo ay wali isha ku hayaan, sidoo kalana wuxuu qiray ineysan jirin wax xiriir ah oo lala soo sameeyay si kooxda dagmada Afgooye loogu daro tartanka loo qabanaayo dagmooyinka gobolka Banaadir.

Maamulka ciyaaraha gobolka Banaadir waxey sanad walba qabtaan tartan loo qabto 17-ka dagmo ee gobolka Banaadir, balse waxaa sanadkaan lagu soo daray dagmooyinka Balcad oo ka tirsan Shabeelada Dhexe iyo Afgooye oo ka tirsan Shabeelada Hoose.

Isku aadka tartanka waxaa la sameeyay shalay, Afgooye waxey ku jirtaa group A iyadoo kula mideysan Xamar Jajab, Kaxda, Heliwaa iyo Kaaraan.

QORAALKA GUDOOMIYAHA HALKAAN HOOSE KA AKHRISO:

Waa ayaaan darro iyo iska horkeen Bulsho in Degmada Afgooye lagu darro isku aadka tartanka degmooyinka Muqdisho,Maamulka Banaadir horay waxa uu u sameeyay dhacdooyin la xiriira Sohdimaha labadda Gobol oo aan weli indhaha ku heyno.

Maamulka Gobolka Banaadir ma jiro xiriir uu innaga nala soo sameeyay oo la xiriirta arrintan,waxaan xaqiijinaynaa inaysan jirin koox kubbadda cagta ah oo ka socota Degmada Afgooye kana qeybgaleysa tartankaas.

#DaryeeliyoDowladnimo.
#NabadiyoNajah.