Doorashada Jubbaland oo lasoo hormariyey iyo gudiga go’aan culus soo saaray

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo doorashada Jubbaland ayaa sheegaya in isbedal lagu soo sameeyey jadwadlka doorashada madaxweynaha iyo mida guddoonka baarlamaanka ee maamulkaasi.

Warqad ka soo baxday guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa lagu sheegay in doorashada guddoonka baarlamaanka la qabanayo 17-ka bishan oo ku beegan Sabtida soo socota.

Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in maanta oo ah 14-ka August ay bilaaban doonto diiwaan gelinta Musharraxiinta, kadibna doorashada madaxweynaha ay dhici doonto 19-ka bishan oo ku beegan maalinta Isniinta ah.

Doorashadan ayaa ballantu aheyd in la qabto 24-ka bishan, balse waxaa haatan laga soo hormariyey waqtigaasi.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo weli is qab qabsi uu ka jiro doorashada Jubbaland, taas oo keentay in musharraxiinta mucaaradka ah ay sameystaan guddi gaar ah iyo xildhibaano ka soo horjeeda kuwa Madaxweyne Axmed Madoobe.

Halkan hoose ka aqriso:

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com