AXMED CAWAD oo xog ka bixiyey kulankii uu xajka kula yeeshay Muuse Biixi

Muqdisho (Caasimada Online ) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa faah faahin ka bixiyey kulankii ay Xajka kula qaateen wafdigii uu hoggaaminayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Cawad ayaa sheegay in kulankaasi aan looga hadlin wax siyaasad la xiriira, ama danaha labada dhinac.

Sidoo kale wuxuu sheegay in kulanku uu ahaa mid saaxibtinimo ah oo walaalo ku dhex maray dhulka barakeysan ee Sacuudiga.

“Aad ayaan ugu riyaaqnay wada sheekeysiga saaxibtinimo, kaas oo aysan ku jirin wada xaajood siyaasadeed oo aan ka yeelanay waxyaabaha la ogyahay.” ayuu yiri wasiir Cawad.

Kulanka dhexmaray madaxweynaha maamulka Somaliland iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya oo si aad ah loo hadal hayo ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee ay yeeshaan labada dhinac, tan iyo markii la doortay Muuse Biixi Cabdi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com