Xog: DF iyo xildhibaannada mucaaradka oo heshiis yaab leh oo qarsoodi ah galay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaan wali shaqa bilaabin guddigii badbaadinta iyo soo celinta hantida qaranka, kuwaas oo ka koobnaa 11 xubnood oo 8 kamid ah ay yihiin wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Guddigaan oo 10-kii bishii January markii lagu dhawaaqay laga dalbaday in ay si deg deg ah tiro koob ugu sameeyaan hantida qaranka ee maqana iyo dadka ay gacanta ugu jirto, islamarkaana lagu wareejiyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa ilaa hadda shaqa bilaabin waxaana la sheegay in lagu amray in ay joojiyaan arrimihii loo diray.

Guddigan ayaa waxaa guddoomiye u ah wasiirka waxbarashada, hidaha iyo tacliinta saee ee Soomaaliya xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, waxaana sidoo kale katirsan wasiirada maaliyadda, howlaha guud, dekadaha, amniga, arimaha gudaha, shaqada & shaqaalaha, kaluumeysiga iyo guddoomiyihii ahaana duqii Muqdisho marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

Caasimada Online ayaa ogaatay in guddigaan markii horaba loo magacaabay in ay dagaal toos ah la galaan xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo sidoo kale ah ganacsato maalqabeeenna ah kuwaas oo ku kacsanaa xukuumadda Kheyre.

Xildhibaanadaan dartood loo magacaabay guddigaan ayaa ku ganacsada dhul iyo guryo ka mid ah hantida maguurtada ah ee qaranka waxaana la sheegay in markii dambe ay heshiis la galeen xukuumadda Soomaaliya gaar ahaan Kheyrre.

Waxyaabaha ay ku heshiiyeen ayaa waxaa kamid ah in xildhibaanada ay joojiyaan mucaaradnimada xukuumadda, abaabulka iyo kicinta xildhibaanada iyo mooshinada xukuumadda ka dhanka ah iyo dhamaan wax kasta oo ka hor imaan kara danaha xukuumadda oo ay ku jirto ka imaanshiyaha sharciyada iyo xeerarka xukuumadda wadato.

Haddii ay intaas fuliyaan ayaa dhankooda loo balan qaaday in laga joojinayo beegsiga dhulka ay dagan yihiin iyo guryaha danta guud, iyo sidoo kale curyaaminta ganacsigooda iyadoo labada dhinac heshiiyadii ay galeen ay si rasmi ah u dhaqan galeen sida ay ogaatay Caasiamda Online.

Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo ka mid ah guddigaan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in heshiisyadaan lagu kala saxiixday madaxtooyada Soomaaliya islmarkaana ay soo kar kariyeen ka hor inta aysan la fariisan wakiilo ka socday xafiiska Kheyre iyo kan madaxweynaha.

Waxaa muuqata in aysan dhinacyada ku heshiinin danta guud balse ay ku heshiiyeen dano u gaar ah taas oo dhabar jab ku ah rajada dowladnimada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com