Sawirro: Doorasho taariikhi ah oo ka socota Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Deegaanada Puntland waxaa maanta oo ku beegan 25 May ee 2023 loo dareeray doorashooyin qof iyo cod ah oo lagu soo dooranayo goleyaasha deegaanka, taas oo ay si weyn ugu loolamayaan ururada siyaasadda ee ka jira Puntland.

Illaa 30 degmo ayay ka qabsoomayaan doorashooyinka, kuwaas oo ay saaka dadweynuhu safaf dhaadheer ugu jiraan goobaha cod-bixinta, si ay codadkooda u dhiibtaan.

Sida la filayo waxaa codadkooda dhiiban doonto qiyaastii illaa 319,000 oo qof (Sadex boqol 19 kun oo qof), inkastoo dadka is-diiwaangeliyay ay intaasi ka badan yihiin.

Sidoo kale waxaa doorashada loo diyaariyay 395 goobood oo la dhigay sanaadiiqda doorashada maanta ka bilaabatay Puntland oo ay ku tartamayaan illaa todobo urur.

Dhanka kale, waxaa la hakiyay doorashada saddex degmo oo kala ah Garoowe, Godobjiiraan iyo  Dangorayo, sababo la xiriira amniga, sida uu shaaciyay guddiga doorashooyinka Puntland, waxaana weli xiisad ay ka taagan tahay gobolka Nugaal.

Waxaa sidoo kale aad loo adkeeyay ammaanka goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka oo la geeyay ciidamo dheeraad ah, waxaana bandow lagu soo rogay guud ahaan Puntland.

Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa dhanka kale soo dhoweeyay bulshada rayidka Puntland oo warsaxaafadeed kasoo saaray hannaanka wax ku socdaan.

Bulshada rayidka ayaa si weyn doorashadan waxa ay ugu bogaadisay maamulka, maadaama tallaabada horumarleh uu uu qaaday dhanka dimuquraadiyadda.

S kastaba, Puntland oo ah hooyada federaalka ayaa markii ugu horreysay qabaneysa doorasho qof iyo cod ah oo ay si weyn isha ugu hayaan dadweynaha Soomaaliyeed, waxaana ay xujo kale ku noqon doontaa maamullada kale iyo xitta dowladda dhexe.