Fal-celin xooggan oo ka dhalatay tallaabada uu qaaday madaxweyne FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii u horeysay taageero u muujiyay isku dayga uu Madaxweyne Saciid Deni ku qabanayo doorasho qof iyo cod ah, taasi oo si weyn looga fal-celiyay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxa uu ku bogaadiyay maamulka Deni hirgelinta doorashada goleyaasha deegaanka, oo lagu wado inay deegaanada maamulkaasi ka qabsoomto maalinta Khamiista ee ku taariikheysan 25-ka May.

“Madaxweynihii Hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Puntland, bulsho iyo maamulba, sida ay ugu istaageen hirgelinta doorashada Goleyaasha Deegaanka, taas oo horseedaysa in dadku ay codkooda ku doortaan hoggaanka deegaannadooda,” ayuu lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska warfaafinta madaxweynihii hore.

Farmaajo ayaa waxa uu sheegay in hirgelinta doorashada qof iyo cod ee heer deegaan iyo heer federaalba ay ka mid tahay himilooyinka uu dadaalka ku bixinayey, taasi oo uu ku sheegay inay tahay “dhabbaha kaliya ee xoojin kara isla xisaabtanka iyo maamul wanaagga dalka.”

“Hannaankan doorashada tooska ah in ay ka hirgasho Puntland waxay tusaale u tahay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu hamuum-qabaan in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, arrinkaas oo aan horey dadaal ugu bixinnay, lana jecel nahay in ay gaaraan dhammaan deegaannada dalkeenna, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Haddaba, Sidee ayaa looga fal-celiyay tallaabada uu qaaday Farmaajo?

Cali Muxiyaddiin: “Waa mid ka mid ah calaamadaha hoggaamineed in la muujiyo dareenka dimoqraadiyada bulsho ku tallaabsatay mahadsanid madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.”

“Puntlad waa midii aad shalay madaxa uga taagneyd, shalay ayay garab kaa rabtay. Dalkaan wuu ka reystay qaladkii dhacayna dib ayaa loo saxayaa Insha Allah,” ayuu yiri Diiriye Axmed oo kamid ah dadka ka fal-celiyay qoraalka madaxweynihii hore.

Maxamuud Cabdi ayaa isna yiri: “Qofkasta oo afkaarta aad aaminsan tahay fuliya waa saaxiibkaa.”

Xasan Xuseen Abuukar: “Farmaajow doorasho adigu ha ka hadlin waxaa tahay ninkii dalka iyo dadka nabadda inta uyimid xabada kagabaxay Puntland’-na waxa ku gal-galanaya waa Deni-gii shalay aad cadka xaaraantaa ku tilmaamaysay waxaase ogaataa inaad ooga dartay xaalad daganayd ood neceb tahay daganaashaha Puntland iyo shacabkeeda.”

“Mudane Madaxwayme mahadsanid Puntland wa horseedka umda soomliyeed marksatana waa inay hogaasimsaa hayanka dimuqraadiyadeed,” ayuu yiri Maxamuud Xirsi.

Cabdiraxmaan ayaa isna yiri: “Puntland markaad xukunka joogtay waxaad ku aheyd caqabad horumaro badan oo ay sameysayna waxaad isku dayday inaad hor istaagto, hada oo aad wax xukun ahna aad heyn miyaad reer Puntland iskaga dhigeysa qof jecel?!!.”

Maxamed Dhagaafe Cilmi: “Waad mahadsan tahay Madaxweyne haddii aadan na cuna-qabatayn ee aad nala shaqayn lahayd hadda madaxweyne ayaad ahaan lahayd mida kale hal jaanis baa kuu haray kaalay Puntland oo tolow waan khaldamay inaad tiraahdo ha ka xishoon, anagu hada waxba kuuma qabno kii kaa danbeeyayna wado silic badan ayaan marin doonaa haka wal-walin.”

Maxamuud Khaliif Cali ayaa isna yiri: “Ku xumayn Xasan Sheekh ah baa ku haysa maahane wax faa’iido ah uma haysid umadda reer Puntland mudadii aad xafiiska joogtayna dadka adigaa ugu necbaa.”

“Mahadsanid Mudane, waxbadan waa cadaadisan Puntland ugu dambayn maanta ayadii baad bogaadinaysaa, halkaas waxaa ka cad inay saxnayd tubta horumar ee aan haynay,” ayuu yiri Saciid.

Khaalid Isaaq Xuseen: “Mudane Madaxweyne waad ku mahadsan tahay dhiirigelintaada wanagsani, haddan nahay shacabka soomaaliyed waxan jeclaan laheyn in talada gacanteyna dib loogu soo celiyo.”

Maxamed Qoorsuul: “Garab istaaga Saciid Deni kaama ahan jaceyl aad uqabto iyo Puntland midna kaliya waa hagardaamada aad la rabto Xasan Sheekh Maxamuud, waatii shalay lagaa fujin waayay sidii la ogaay dalka lagaaga saaray.”