FAAH-FAAHIN ku saabsan qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka xarunta maamulka degmada, kaas oo sababay khasaare u badan dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa bar ay gaadiidka ku baaraan ciidanka Boolis Milataaro oo ku taalla halkaasi, taas oo uu qaraxu ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhaawacmay ugu yaraan illaa laba qof oo maray waddada dhinaceeda, kuwaas oo loola cararay mid kamid ah goobaha caafimaadka.

Sidoo kale waxaa goobta isla markii tegay ciidamada ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyay xaafadaha u dhow halka uu qaraxu ka dhacay, balse ma jirto wax hadal ah oo ay illaa iyo hadda saraakiisha laamaha amniga kasoo saareen qaraxaas iyo howlgalka xigay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa guud meesha ay wax ka dhaceen, sida ay soo warinayaan dadka deegaanka.

Waa qaraxii saddexaad ee magaalada Muqdisho lagula beegsanayo ciidamada booliska ee sida milatariga u tababaran ee lagu wareejiyay qaybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana horay loogu qarxiyay isla degmada Kaxda iyo sidoo kale Dayniile.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya, ayada oo maalmihii lasoo dhaafay ay daganeyd xaaladda magaalada Muqdisho marka loo eego xilliyadii hore oo ay ka dhici jireen weeraro joogta ah.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa caasmada ka socday howlgallo ballaaran oo amni xaqiijin ah, kuwaas oo lagu fashiliyay weeraro, laguna qabtay hub loo waday Al-Shabaab.