DF Somalia oo sahay u dirtay magaalada LAASCAANOOD

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ay u dirtay dooni sida sahay gargaar, xilli xaalad adag laga soo sheegayo dadkii uu saameeyay dagaalka socda.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa dekedda magaalada Muqdisho ka dirtay doontan, oo ay sheegtay inay sido shixnad isugu jirta raashinka qeybihiisa kala duwan.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah gargaarkan ay dirtay SODMA gaari nooca gurmadka degdeg ah (Ambulance) oo loogu tala-galay in dhaawacyada rayidka lagu gaarsiiyo goobaha caafimaadka.

Hay’adda ayaa waxa kale oo ay sheegtay in gargaarkan qeyb kamid ah uu ku wajahan yahay deegaannadii dhawaan laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab ee gobolka Mudug ee maamulka Galmudug.

SODMA ayaa sidan oo kale dhawaan diyaarado wada shixnado iskugu jira raashin iyo daawo u dirtay markale magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay ka socdaan dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Gurmadkan ayaa kadib waxaa loo sii gudbin doono magaalada Laascaanood iyo deegaanada ku dhow, oo bulshadii ku nooleyd uu si weyn u saameeyay dagaalkan.

Hay’adda maareynta masiiboyinka qaranka ayaa sheegtay in dowladda federaalka ay ka go’antahay in gurmad la gaarsiiyo dadka reer Laascaanood oo dagaal kula jira Somaliland.

Madaxweyanaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u balan-qaaday in dowladda federaalka Soomaaliya ay qaadan doonto kaalinteeda gurmadka dadka ku waxyeeloobay dagaalka.

Ugu yaraan 96 qof ayaa ku dhintay in ka badan laba toddobaad oo iska hor-imaadyo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka magaalada Laascaanood, sida uu sheegay agaasimaha Isbitaalka Laascaanood.

“Waxaan haynaa 96 dhimasho ah iyo 560 dhaawac ah,” ayuu Axmed Maxamed Xasan, oo ah maamulaha Isbitaalka weyn ee magaalada Laascaanood khadka telefoonka ugu sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Xafiiska QM ee Isku Xirka Arrimaha Bani’aadannimada (OCHA), ayaa sheegay in 185,000 oo qof ay ka barakaceen magaalada Laascaanood.

Bayaan kasoo baxay xafiiska OCHA ee Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in weli ay jiraan warbixino ku saabsan dagaallo socda inkasta oo xabad-joojin lagu dhowaaqay.

Ka sokow in tobanaan kun oo qof ay ku barakaceen gudaha Somaliland, in ka badan 60,000 oo qof ayaa u qaxay gobolka Soomaalida ee Itoobiya si ay uga baxsadaan rabshadaha, waxaa sidaas sheegtay hay’adda QM ee qaxootiga UNCHR.