Xog: Yey yihiin ciidamada Tukaraq ku weeraray S/Land?

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa shalay sheegtay in ciidamo ka tirsan maamulka Puntland uu kusoo weeraray aagga Tukaraq ee gobolka Sool, xilli uu sii xoogeystay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in maleeshiyaadka weeraray ciidanka Somaliland ee ku sugan aagga Tukaraq ay yihiin ciidan maleeshiyo beeleed ah oo halkaasi fariisin ka sameystay.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka yimaadeen magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, hase yeeshe kama qeyb ahan ciidamada maamulkaasi, illaa haddana si rasmi ah looma oga in maamulka Deni uu gadaal ka joogo.

Dagaalkan dhex-maray ciidamada Somaliland iyo kuwa maleeshiyaad beeleedka ah ayaa waxa ka dhashay khasaare labada dhinac, wallow aan la xaqiijin inta uu le’eg yahay.

Wararka qaar ayaa sheegay in ciidamada Somaliland laga durkiyay fariisimaha Tukaraq, wuxuuna dagaalkan imanaya xilli qeyb kamid ah ciidamada Somaliland ay u guureen saldhiga Goojacadde oo 7-KM u jira magaalada Laascaanood.

Xukuumadda Somaliland ayaa xalay sheegtay in ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay weerar ku soo qaadeen ciidamada Somaliland ee ku sugan aagga Tukaraq ee gobolka Sool.

Somaliland ayaa sheegtay inay ciidamadeedu dib u celiyeen oo ay iska difaaceen maleeshiyaadkii weerarka kusoo qaaday ee kasoo duulaan tagay maamulka Puntland, sida ay sheegtay.

“Ciidanka Qaranka JSL ee ku sugan Tukaraq waxa maanta weerar ku soo qaaday maleeshiyaad ka soo duulay Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya, Ciidanka Qarankuna waxay dib u celiyeen oo ay iska difaaceen maleeshiiyaadkii weerarka soo qaaday,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga Somaliland.

Laba toddobaad ka hor unbay aheyd markii ay Somaliland ku eedeysay Puntland inay dhaq-dhaqaaq ciidan ka wado aagga hore ee Tukaraq, ayna doonayaan in dagaalka socda ay ka bilaabaan jihooyin cusub.

Deegaanka Tukaraq ayaa waxaa xilligan ku sugan ciidamada Somaliland, waxaana kal hore ka dhacay dagaallo u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.

Arrimahan ayaa imanaya xilli uu shalay sii xoogeystay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, ayada oo ciidamada SSC ay sheegeen inay la wareegeen saldhigii Somaliland ee magaaladaasi. Dagaalkan ayaa galay toddobaadkii saddexaad.