Dowladda IRAN oo beenisay eedeymo Soomaaliya ku saabsan oo loo jeediyey

Tehran (Caasimada Online) – Afhayeenka wasaaradda arrimaha arrimaha dibadda Iiraan, Nasser Kanaani ayaa gaashaanka u daruuray in Tehran ay si qarsoodi ah hub ay soo dhiibtay uu uga degay magaaladda dekadda leh ee Hodeydiyah ee dalka Yemen, hubkaas oo horey loo sheegay in lasoo mariyey Soomaaliya.

Isaga oo warfidiyeenka la hadlayay, Kanaani wuxuu eedeymaha ku saabsan inay Soomaaliya hub u mariyaan Xuutiyiinta ku sheegay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn oo lagu luminayo ra’yulcaamka. 

Wuxuu sheegay in xulufada qabsatay Yemen oo reer Galbeedku taageerayo lagula xisaabtamo dambiyadii iyo gaboodfalladii ay ka geysanayeen muddo 7 sannadood ah. 

Wuxuu hoosta ka xariiqay in gaboodfallada iyo dambiyada dagaal ee Yemen ka dhacay ay ku dhinteen dad aan waxba galabsan iyo burbur baaxad leh oo ku habsatay dhismayaashii waddanka. 

“Si loo qariyo tacaddiyada ka-dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka jira ayaa eedeyntaas looga dan leeyahay,” ayuu yiri. 

“Taageerada Iran ee dadka Yemen waxay markii hore ku ekeyd mid siyaasadeed, waxayna Tehran hadiyo jeer ahayd mid qorshaha nabadeynta iyo xasiloonida qeyb ka ah – waxaana sidoo kale QM kala shaqeynay dadaalladaas si xal waara loogu helo nabadda Yemen,” ayuu yiri. 

Bishii Agoosto, 13, muuqbaahiyaha al-Carabiya ayaa baahiyay fiidiyowga nin sheegaya howlgallo dhowr ah oo ay ka qeyb yihiin Xuuyitiinta Yemen kaas oo si qarsoodi ah hub looga soo geliyo dhinaca dalka Iran. 

Ninkan ayaa sheegaya in hubka markiisii hore laga soo marinayo Gacanka Cumaan kadibna lasoo marsiinayo dekadda Berbera ee Soomaaliya kahor inta aan si dhuumasho ah looga soo dejinin Yemen. 

Waana koox shakabad ah oo si laga shaqeeyey iskugu xiran. 

Wasiirka arrimaha gudaha Yemen, Muammar al-Eryani wuxuu xaqiijiyay in kooxdan gacanta lagu dhigay, wuxuu intaas kusii daray inay tani caddayn u tahay sida joogtada ah oo Iiraan ay u hubeyso maleeshiyada Xuutiyiinta si aan marnaba loogu guuleysan xasiloonida Yemen mar kale. 

Wuxuu ugu baaqay QM iyo beesha caalamka inay ereyada ugu adag ku cambaareeyaan falkaas wiiqaya dib usoo celinta nabadda Yemen. 

Dowladda Iran waxay ku celcelisay inay sii wadi doonto taageerada ay siinayso Xuutiyiinta ee dagaalka kula jira Isbahaysiga uu Sucuudiga hoggaaminayo ee taageerada ka helaya Maraykanka. 

Dagaalka Yemen ka jira waxaa loo arkaa mid ay isku hayaan Sucuudiga iyo Iraan. Labadan dal ayaana ku jira loolan dhinaca awoodda Bariga Dhexe cidda gacanta sare yeelanaysa. 

Bishii Janaayo, sannadkan, warbixinta ay khubaro QM ka socda ay sameeyeen waxay ku sheegeen inay hayaan caddaymo ayidi kara in labadii Markab ee hubka siday oo ay ciidamada Maraykanku is hortaageen ay dhab ahaan kasoo shiraacdeen dekadda Jask ee Iiraan. 

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in hub isku dhaf ah ay u badan yihiin in toos loogu soo saaray keydka dowladda Iiraan. Waxaana lagu soo raray dooni dhows hubka u kala daabusha dalalka Soomaaliya iyo Yemen.