Maxay tahay lacagta ay UK shaacisay inay ku caawineyso dowladda Xasan Sheekh?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa ku dhawaaqday in £2.3 milyan oo Pound ay ku deeqeyso Sanduuqa taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), taasi oo loogu tala-galay in lagu taakuleeyo Ciidanka ammaanka dalka.

Safiirka UK ee Soomaaliya, Kati Foster ayaa markii u horeysay ku dhawaaqay lacagaan, kadib kulan gaar ah oo magaalada Muqdisho ku dhex-maray Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur.

“Maal-gelinta cusub waxay ku dhisan tahay taageerada UK ee muddada dheer ay siin jirtay Ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo Sanduuqa Trust ee UNSOS. 2021/2022, UK waxa ay 4.9 milyan oo Geni siisay Sanduuqa Trust Fund ee UNSOS, kaas oo ku baxda Askarta iyo booliiska Soomaaliyeed,” ayey tiri Kate Foster.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay dowladda Ingiriiska kaalinta muuqata ee ay ku leedahay dib u dhiska dalka iyo taageerada ay siiso ciidanka xooga Soomaaliyeed.

Arrintaan ayaa daba socota booqashadii Wasiirka Ciidamada UK uu bishii May ku yimid Soomaaliya, kaas oo shaaca ka qaaday inay xoojiyaan xasilloonida & amniga Soomaaliya.

UK ayaa Soomaaliya ka taageerta dhinaca Amniga, sidoo kale waxay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ka hirgelisay xerooyin lagu tababaro ciidamada dowladda, taasi oo ay kasoo baxeen in ka badan 2kun oo Askari oo qeyb ka ah ciidanka xooga dalka.

Ciidamada Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa ATMIS ayaa weli dagaal kula jira Al-Shabaab, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah kooxdaasi.

Sikastaba ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sannadka 2024 isku diyaarinaya in mas’uuliyadda amniga dalka oo dhan ay kala wareegaan ciidanka ATMIS, ex AMISOM.