Dowladda Mareykanka oo ku dhowaaqday in ciidamo ay gaynayso Sacuudiga

Washington DC (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday qorshe ay ciidamo ugu direyso dalka Sacuudiga kadib weeraradii lagu qaaday goobaha saliidda laga soo saaro ee dalkaas,

Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper ayaa weriyayaasha u sheegay in daad-gureynta ciidamadan ay tahay “tallaabo difaacid.” Weli go’aan lagama gaarin tirada ciidamada la dirayo.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ee Iran ay taageerto ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraradaas oo toddobaadkii tagay lala beegsaday laba goobood oo saliidda laga soo saaro.

Hase yeeshee Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa labaduba weerarka ku eedeeyey Iran.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii ku dhowaaqay cunaqabteeno “heerkii ugu sarreeyey” ah oo la saarayo Iran, isaga oo sidoo kale tusmeeyey inuu doonayo inuu ka fogaado dagaal militari.

Cunaqabateenada cusub ayaa diiradda saari doono Bankiga Dhexe ee Iran, sida uu Trump sheegay.

Esper ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ay caawimaad ka codsadeen.

Waxa uu sheegay in ciidamadan ay diiradda saari doonaan xoojinta habka difaaca gantaallada iyo hawada, Islamarkaana ay “dedejin doonaan qalab militari oo la gayn doono” labadan dal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com