Kacdoon la mid ah kii lagu riday Xosni Mubaarak oo ka billowday dalka Masar

Qaahira (Caasimada Online) – Kumanaan qof oo ah dibad-baxayaal taageeraya dimoqraadiyadda ayaa isugu soo baxay magaalooyinka kala duwan ee dalka Masar, si ay u dalbadaan is-casilaadda madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi.

Muuqaallo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dibad-baxayaasha oo ku qeylinaya “kaca, ha cabsanina, Sisi waa inuu baxaa, dadkana waa in dalbadaan inuu taliskan uu dhaco.”

Dibad-baxyada ayaa looga soo warramay magaalooyinka Qaahira, magaalada labaad ee ugu weyn ee Alexandria, iyo magaalada Suez.

Saraakiil aan xirneyn dharka ciidanka ayaa ka hortagay dibad-baxayaasha oo isku dayey inay tagaan Fagaaraha Taxriir ee magaalada Qaahira. Dhowr qof ayaa lagu soo warramay in lagu xiray Qaahira.

Dibad-baxyada ayaa yimid kadib markii ganacsadaha iyo jilaaga Masriga Mohamed Ali uu el-Sisi ku eedeeyey musuq-maasuq, uguna baaqay shacabka inay waddooyinka isugu soo baxaan oo ay dalbadaan in xilka laga qaado el-Sisi.

“Haddii el-Sisi uusan ku dhowaaqin is-casilaadiisa Khamiista, dadka Masar waxay Jimcaha isugu soo bixi doonaan fagaarayaasha, ayaga oo mudaaharaadaya, “ayuu Ali ku yiri muuqaal la baabhiyey Talaadadii.

Kacdoon midkan la mid ah oo dhacay 25-kii Janaayo iyo 11-kii Febraayo 2011 ayaa horseeday inuu xukunka ka dego madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Xosni Mubarak.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.com