Dowladda oo ciidamo gaar ah ka dajisay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Diyaarad sida ciidamo ka tirsan kuwa Booliska sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano Haramcad ayaa maanta ka degtay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Ciidamada ayaa waxaa diyaarada oo gaar aheyd looga qaaday magaalada Muqdisho, iyagoona ka degay Dhuusamareeb, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Haramcad iyo kuwa Milateriga dowladda.

Saraakiil Ciidan ayaa waxaa ay Caasimadda Online u sheegeen in ciidamadaan ay qayb ka qaadan doonaan Sugida Ammaanka Caasimada iyo fulinta howlgalada gaarka ah.

Saraakiisha Ciidanka ayaa lagu soo xigtay in Ciidanka Maanta laga dajiyay garoonka diyaarahada Dhuusamareeb,loo qorsheeyay in lageeyo degmooyinka kale ee Galmudug oo ay horey ugu sugnaayeen Ciidanka Maamulka Galmudug.

Ciidamadaan Haramcad oo ay Dowladda geysay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay kusoo aadayaa xilli isla Maanta Dhuusamareeb laga soo daabuley Ciidamada haramcad kuwoodii horay u joogey ee ka qayb galey dagaalkii Ciidamada Ahlusunna.

Dowladda Federaalka  Soomaaliya ayaa kal hore boqolaal Askari ku daabushay Caasimadda Galmudug, iyadoona dowladda sheegtay inay ka qeyb qaadan doonaan sugidda amniga Magaalada iyo howlgalo kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay in Ciidanka Amaanka ee loo tababaray Soomaaliya ay Dowladdu adeegsanayso Caburinta Siyaasiyiinta ka soo horjeedo Xukumada Soomaaliya.