Kenya oo Soomaaliya ku eedeysay ‘inay duulaan’ ku soo qaaday iyo xadgudub ka dhana madax-banaanideeda

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa ku eedeysay dowladda federaalka ah Soomaaliya “inay duulaan kusoo qaaday oo ay kusoo xadgdubtay” madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee dalkaas, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada dalkaas.

Bayaanka ayaa laga soo saaray kulan maanta uu shir guddoomiyey adaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta,  oo ay yeesheen Golaha Amniga Qaranka Kenya, oo ku saabsanaa xiisadda ka dhex oogan labada dal.

Bayaanka oo ay ku saxiixneyd afhayeenka madaxtooyada Kanze Dena-Mararo ayaa lagu yiri “Golaha Amniga Qaranka waxa uu walaac ka muujinayaa xadgudubka ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ku sameeyeen madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Kenya 2-dii March 2020, halkaasi oo ciidamada ajnabiga ah ayaga oo jebinaya, islmarkaana aan wax ixtiraam ah u hayn xeerarka caalamiga ay dhaq-dhaqaaqyo gardarro ah fuliyeen, ayaga oo dhibaya islamarkaana burburinaya hantiada shacabka Kenya ee ku nool magaalo xuduudeedka Mandhera.”

Labadii bishan ayaa waxaa xuduudda laba dal ee magaalada Beled-Xaawo ka dhacay dagaal dhex maray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubaland, oo markii dambe u cararay magaalada Mandhera ee Kenya.

Dowladda Kenya ayaa ku qeexday arrintan “weerar aan sabab lahayn oo ciidamo ajnabi ah ay kusoo qaadeen”, ayada oo ujeedka uu yahay in lagu daan-daansado Kenya, sida hadalka loo dhigay.

“Anaga oo joogteeneyna dhaqankeena soo jireenka ah ee ilaalinta nabadda iyo dhismaha nabadda gobolka iyo wixii ka baxsan, gaar ahaan Soomaaliya, Kenya waxay go’aansatay inay is xakameyso.”

Kenya ayaa dhinaca kale iska fogeysay eedeynta dowladda Soomaaliya ee ah inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.

Qoraalka Kenya ayaa lagu yiri “tani waxay qeyb ka tahay taxane soo jireen ah oo joogto ah, oo damac xun laga leeyahay, kaasi oo Kenya loogu adeegsanayo in loogu cudur daarto qorshooyin siyaasadeed oo laga leeyahay gudaha Soomaaliya.”

“Kenya hadda kadib ma sii ogolaan doonto in sidan loo isticmaalo,” ayaa lag yiri qoraalka.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay ugu baaqeyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay joojiso wax ay ugu yeertay ololaha sumcad xumeynta ah, ayna dadaalkeeda u weeciso dhisidda hoggaan wanaagsan oo ay ku baraaraan shacabka Soomaaliya, sida hadalka lagu yiri.

Kenya ayaa ku eedeyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ayada oo dooneyso qorshe siyaasadeed dhow ay abuureyso khilaaf been abuur ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

“Sidaas darteed, waxaan ugu baaqeynaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay joojiso, oo ay ka tanaasusho daan-daansiga aan loo qiil dayin, ayna diiradda saarto arrimaha gudaha Soomaaliya iyo fay-qabka shacabka Soomaaliyeed, ka guuleysashada argagixisada, iyo sare u qaadidda nabadda, amniga iyo xasiloonida gobolka,” ayaa lagu soo gebo-gebeeyey qoraalka.