Jubaland iyo Puntland oo qaadacay shirkii deyn-cafinta iyo DF oo wajaheysa caqabad

Kismaayo (Caasimada Online) – War ka soo baxay dowlad goboleedka Jubaland gaar ahaan xafiiska wasaaradda maaliyadda maamulkaasi ayaa waxaa gabi ahaanba lagu qaadacay shirka ay dowladda soomaaliya magaalada Beydhabo kula yeelanayso wasaaradaha maaliyadda dowlad goboleedyada.

Jubaland ayaa waxa ay sheegtay in aysan shirkaasi ka qeyb gali doonin kadib markii ay arkeen in dowladda federaalka ah ay cunaqabateyn ku hayso shacabka maamulkaasi, islamarkaana garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu dhibaateynayo mas’uuliyiintooda.

Sidoo kale waxa ay sheegtay Jubaland in sababta hakinta ay tahay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay qalalaaso ka waddo degaanada Jubaland, sida ay hadalka u dhigtay.

Waxa ay intaas hadalkooda ku dareen in aysan shirkaasi uga qeyb gali karin sababo la xiriira wada shaqeyn xumo iyaga iyo dowladda dhexe soo kala dhexgashay.

Dhinaca kale, Wasaarada maaliyadda Puntland ayaa warqad ay soo saartay ku sheegtay in aysan ka qeyb-geli karin shirka dayn-cafinta looga hadlayo ee Baydhabo lagu balan-sanaa in uu ka qabsoomo inta u dhaxaysa 7-11 bishaan March.

Wasaarada maaliyada Puntland waxay codsatay in muddo bil ah dib loo dhigo shirka, iyada oo u sababaysay in ay ku mashquulsan tahay qabashada ‘Shirka Wadatashiga Puntland ee 15-ka March’ ka furmaya magaalada Garoowe.

Go’aanada Puntland iyo Jubaland ayaa caqabad ku noqon kara dadaallada deyn-cafinta Soomaaliya, maadaama shuruudaha lagu xiray dowladda federaalka ay ku jiraan inay la shaqeyso dowlad goboleedyada.

Halkaan hoose ka akhriso qoralada kasoo baxay Jubaland iyo Puntland