Dowladda oo laba diyaarad oo ciidamo ah kaa dajisay Beledweyne + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ka dajisay ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor.

Ciidamada laga dajiyey magaalada Beledweyne ayaa gaaraya illaa 100 askari oo ka tirsan Gorgor, kuwaas oo magaalada Beledweyne lagu geeyey laba diyaarayood.

Ciidamada ayaa watay hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la dajiyey garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif.

Ujeedada ciidamadaan loo geeyey magaaladaas ayaa lagu sheegay inay tahay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen howlgalka gobolka Hiiraan looga sifeynayo kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Maanta Beledweyne tagay ayaa waxaa la filayaa inay maalmaha soo socdo kusoo biiraan 200 oo kale iyo gaadiidka dagaalka si loo xoojiyo howlgalka lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

Sida ay ogaatay shabakadda Caasimada Online, madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa ciidamadaan ka dalbaday dowladda dhexe.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa muddo 4 asbuuc ah wuxuu ku sugan yahay deegaanada u dhaxeeyo Beledweyne iyo Matabaan halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo badan oo kuwa dowladda ah.

Ciidamada dowladda ayaa dhawaan deegaano badan oo hoos taga Matabaan waxay kala wareegeen ciidamo ka tirsan kuwa Al-Shabaab oo halkaas ku lahaa saldhigyo ciidan.

Magaalada Beledweyn ayaa waxaa horey u joogay 300 ka tirsan ciidamada Gor-gor kuwaas oo halkaas la geeyey waqtigii doorashada xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya.