Dowladda Sacuudi Carabiya oo soo saartay war aan laga fileyn oo la xiriira Qatar

Riyadh (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Dibbadda Sacuudiga Amiir Faysal Bin Farxaan Al-Sacuud ayaa sheegay in dawladiisu ay hadda wado qorshe ay kula heshiinayso dawlada Qatar oo uu xiriirkoodu go’ay saddex sanno ka hor.

Amiir Faysal oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters inay hadda raadinayaan waddo lagu dhamaynayo khilaafka Sacuudiga iyo Qatar, waxaana uu intaa ku daray inuu sii jiri doono shuruudahoodii illaa khilaafka laga dhamaynayo.

“Waxaan sii wadaynaa inaan diyaar u ahaano la xiriirida walaalaheena Qatar waxaanna rajeynaynaa in ay si dhab ah uga go’antahay kaqeyb qaadashadaas,” ayuu yiri. “Laakiin waxaan u baahannahay inaan wax ka qabanno welwelka amni ee sharci ee afar geesoodka waxaanna u maleynayaa inay jirto waddo taas loo maro,” oo lagu xallinayo “mustaqbalka dhow”.

Wasiirkaan waxaa uu sheegay inuu hadda jiro wada hadalo si hoose u bilowday labada dhinac inkastoo uu faafaahin uu ka bixin halka ay marayaan.

Wasiirka Arrimaha Dibbadda Qatar Sh. Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thani ayaa todobaadkii hore sheegay inay jirin cid ka faa’iday go’doomintii Qatar la saaray sanadkii 2017 ee ay dawladaha Khaliijka xiriirka ugu jareen isagoo intaa ku daray in dalkiisa uu ku rajo weyn yahay in khilaafku dhamaan doono daqiiqad kasta.

Balse  Yousef Al-Otaiba, oo ah danjiraha Imaaraadka ee Mareykanka, ayaa u sheegay warbaahinta Israa’iil inuusan rumeysnayn in heshiisku uu soo dhowaanayo. “Uma maleynayo in si dhakhso leh loo xaliyo sababtoo ah uma maleynayo in ay jiraan wax wax isdhaafsi ah,” ayuu yiri al-Otaiba.