Muxuu Mareykanka ka yiri khilaafka hareeyey gudiyada doorashada Soomaaliya?

New York (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay, Kelly Craft ayaa ka hadashay xaaladda Soomaaliya & arrimaha doorashada soo socota, gaar ahaan dooda ka taagan guddiyada doorashooyinka.

Kelly Craft oo hadal ka jeedisay kulan ay golaha ammaanka ee QM ka yeesheen xaaladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay muhiim tahay in ay wada-hadallo yeeshaan hoggaanka dowladda federaalka iyo xubnaha mucaaradka, si xal wadajir ah loo gaaro.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in loo baahan yahay in doorashadu ay noqoto mid wada-ogol ah oo ay u dhan yihiin dhinacyada oo dhan.

Ergeyga gaarka ah ee dowladda Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay oo hadalkeeda sii wadata ayaa tusaale u soo qaadatay muranka ka taagan guddiyada maamulaya kuraasta Somaliland ee baarlamaanka oo haatan si weyn la’isugu hayo.

“Waxa aan u jeedinayaa DFS & Dowladaha xubnaha ka ah in ay sii wadaan wada-xaajoodyadda lagu saldhigayo Geedi socodka Doorashada 20/21, wax waliba waa in ay noqdaan mid wada ogol & is faham ku dhamaada, sida gudiyada maamulaya kuraasta Somaliland ee baarlamaanka,” ayey tiri Kelly Craft.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo Soomaaliya laga dareemayo xaalad siyaasadeed oo ku aadan doorashooyinka dalka, waxaana haatan gudaha magaalada Muqdisho ka socdo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo shirar ay leeyihiin hoggaamiyeyaasha mucaaradka.