Musharixiinta ku shirsan Muqdisho oo Sheekh Shariif u doortay shir guddoon!

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee 2021 oo ku shirsan maalintii 4 aad magaaladda Muqdosho ayaa gudooomiye u doortay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hoggaamiyaha madasha xisbiyada qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale Xogheyn waxaa loo doortay Xuseen Cabdi Xalane oo ahaa Wasiirkii hore Maaliyadda, halka Afhayeen loo doortay Ridwaan Xirsi Maxamed Ra’iisul Wasaare Kuxigeenkii hore.

Shirkii midowga Musharixiinta ayaa maanta waxaa ku biiray culimada Suufiyada iyada oo galinka dambe ee maanta ay ka qayb galayaan xubno ka tirsan ganacsatada magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Sida loo qorsheeyay shirkaan ayaa waxaa la soo gabangabeeyo maanta oo talaadaa hayeeshee waxaa jira warar sheegaya in ay suurta galtahay in uu dib u dhaco ilaa maanlinta bari ah oo ku beegan 25 bisha November 2020.

Saddexdii maalmood ee shirka u socday Musharaxiinta Madaxweynayaasha ayaa kulamo gaar gaar la yeelanayay qeybaha kala duwan ee bulshada, sida Culumaa’udiinka, odayaasha dhaqanka iyo ururada Bulshada rayidka.