Dowladda Somalia oo ka hor-timid ‘liis sumcad xumo ah’ oo ay safka hore ka gashay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ayaa markii u horeysay iska fogeysay liiska musuq-maasuqa oo sanado badan ay difaacaneysay kaalmaha hore ee wax is-daba marinta ama musuq-maasuqa.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr. Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay inaysan sax aheyn in dowladda Soomaaliya ay sanad kasta kaalmaha hore ugu jirto wadamada ugu musuqa badan Aduunka.

Xeer ilaaliyaha ayaa ku dooday in dowladdu ay sanadkan sameysay la dagaalankii ugu xooganaa ee dhinaca musuq-maasuqa, gaar ahaan bahda cadaalada, sida uu sheegay.

Sulaymaan ayaa sidoo kale sheegay in xiligan ay muhiim tahay in hay’addaha caddaaladda iyo garsoorku ay ku dadaalaan sinaanta, maadama ay yihiin kuwa u xil saaran dabar goynta musuq-maasuqa.

“Sanadkan waxay sameeyeen bahda Caddaaladdu la dagaalankii ugu xoogga badnaa ee dhinaca Musuq-maasuqa” ayuu yiri xeer ilaaliyuhu.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xili dhawaan ay Maxkamadda gobolka Benaadir ay xukuno kala duwan ku riday Mas’uuliyiin ka tirsanaa dowladda oo loo haystay musuq-maasuq.