Maxaa kasoo baxay shirkii deg degga ahaa ee ay maanta yeesheen golaha wasiirada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa maanta maana Muqdisho ku yeeshay shir deg deg ah oo ka baxsan midka toddobaadlaha ah ee la qabto khamiis kasta.

Kulankii maanta ayey golaha waxay ku meel mariyeen sagaal (9) xubnood oo wasaaradda caddaaladdu ay u soo xushay inay kamid noqdaan guddiga madaxa bannaan ee la-dagaallanka musuq-maasuqa, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska sii-haya ra’iisul wasaraaha.

“Qodobka 111-aad ee Dastuurka ku-meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamaya dhisidda 9ka xubnood ee guddiga madaxa bannaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa oo laf-dhabar u ah howlaha baarista musuq-maasuqa lagu soo oogayo qeybaha dowladda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xubnaha guddiga ayaa kala ah: Mudane Maxamed Cabdikariim Ibraahim, Avv. Cabdiweli Axmed Cumar, Dr. Xasan Khaliif Xasan, Avv. Maxamed Xuseen Xaamud, Avv. Saciido Maxamed Xaashi, Mudane Amiin Axmed Sh. Cabdiraxmaan, Mudane Cabdullaahi Sh. Abuukar, Mudane Khadar Axmed Diiriye iyo Saamiya Siciid Xuseen.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa 21/09/2019 waxuu saxiixay sharicga dhisidda guddiyada madaxa bannaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa ee heer federaal iyo heer dowlad gobaleed, kabib markii baarlmanaanka federaalku meel mariyay.

Xubnaha guddiga madaxa bannaan ee maanta goluhu meel mariyay ayaa waxaa loo gudbin doonaa baarlamaanka si ay u ansixiyaan.