29.9 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Dowladda Soomaaliya oo ku dhowaaqday in berri oo talaaado ah ay ciid tahay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in meelo badan oo ka mid ah Gobollada dalka, gaar ahaan deegaanno hoostaga Gobollada Baay, Shabeelaha Hoose, iyo Shabeelaha Dhexe laga arkay bisha Shawaal.

U qeybsanaha dhanka Diinta ee Wasaaradda Awqaafta Sheekh Cali Maxamuud (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay in Ummadda Soomaaliyeed ay u caddeynayaan in maalinta berito ah ay tahay maalinta koowaad ee ciidda kaddib xiriiro kala duwan oo ay la sameeyeen Culimaa’udiin iyo Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee Hirshabeelle.

Sheekh Cali Dheere  oo si toos ah Bulshada uga hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in maalinta beri  ay tahay maalinta koowaad ee bisha Shawaal, isagoo xusay in aragtida bisha ay Wasaaradda iyo culimo Soomaaliyeed la wadeegeen bulsho badan oo ay khadka si toos ah u soo geliyeen, waxaana uu hambalyo u diray Ummadda Soomaaliyeed meelkast oo ay jogaan.

Sheekh Cabdiqaadir Sheekh Maxamed Soomow oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in markii ay la xiriireen culimaa’udiin kala duwan, laguna arkay meelo badan oo ay ka midtahay Bariire, isla markaana beri ay ku beegantahay maalinta koowaad ee ciidda.

Wasiir ku-xigeenka Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya CIsmaan Aadan Dhuubow ayaa sheegay in Wasaaradda Diinta ay ku dhawaaqeyso in soonka uu dhamaday, isla markaana maalinta beri ah ay tahay maalin ciid ah.

Dhinaca kale, Dowladda Sacuudiga ayaa daqiiqado ka hor si rasmi ah ugu dhawaaqday in Maalinta Berri ah ay tahay Kowda Bisha Shawaal.

Wasiirka Awqaafta Iyo Arrimaha diinta Sacuudiga Sultan Bin Saeed Al Badi ayaa sheegay in Maanta ay tahay Maalintii ugu dambeysay Bisha Ramadan Berrina ah tahay Maalinta Koowaad ee Bisha Shawaal.

Go’aankaan oo kasoo baxay maxkamadda Sare ee dalka Sacuudiga ayaa yimid kadib markii guddiga ay Dowladda u xir saartay raadinta Bisha Shawaal ay soo sheegeyn inay Bisha arkeyn.

Bahda Caasimada Online oo isku duuban waxay idin leeyihiin CIID WANAAGSAN.

Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

- Advertisement -

Read more

Local News