Dowladda SOOMAALIYA oo soo saartay digniin culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta markale si adag uga digtay ka ganacsiga maadooriyaha oo ay sheegtay inuu dhibaato hor leh ku hayo bulshada Soomaaliyeed.

Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa sheegay inay weli jiraan ganacsato dalka keenta waxyaabaha maanka dooriya, kuwaasi oo si dhuumaleysi ah usoo geliya dalka, xili ay dhawaan mamnuucday soo degista qaadka.

Dowladda ayaa hore u mamnuucday qaadka ‘Miirooga’ ee uga imaan jiray dalka Kenya, hase yeeshe waxa uu weli si qarsoodi ah kusoo gala dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho, kaasi oo qiimo sarre lagu kala iibsado gudaha magaalada.

Xeer ilaaliyaha ayaa carabka ku adkeeyay inay ganacsatada dalka soo gelisa waxyaabahaasi ay ka waantooban, isagoona xusay inay kala wareegi doonaan qalabka ay u adeegsadaan inay dalka kusoo galiyaan, haddii uu noqdo doomaha iyo baabuurtaba, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayaa imanaya xili magaalada Muqdisho si aan baqdin ku jirin loogu iibiyo waxyaabaha maanka dooriya oo isugu jira, Khamri Xashiish, Taabuu iyo Qaadka oo isagu go’aan ka dhanka ah ay soo saartay dowladda.