Al-Shabab oo guddoomiye iyo xubno kale maanta ka afduubtay gobolka Sanaag

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Milxo oo ka tirsan gobolkaasi.

Al-Shabaab ayaa dagaal kooban kadib gudaha u gashay deegaankaasi oo u dhexeeya deegaaka Durduri iyo degmada Laasqoray.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalyahanada Al-Shabaab ay dagaal kooban la galeen maleeshiyaad hubeysan oo deegaanka ah, kuwaas oo markii dambe laga adkaday.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa dagaalka kadib lagu soo warramayaa inay afduubteen guddoomiyihii deegaanka Milxo, Maxamed Jaamac Aar (Bulbul) iyo shakhsiyaad kale.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, waxaana go’an is-gaarsiinta deegaanka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo culus weli laga dareemayaa duleedka degmada Laasqoray.

Si kastaba shalay ayey aheyd markii dagaalyahanada Al-Shabaab ay hub badan oo laga keenay dalka Yemen, kala soo dageen deegaanka Durduri oo ka tirsan gobolka Sanaag.