Dowlado Carbeed oo lacag ku bixinaya sidii Israel ay u duqeyn laheyd GAZA

Cairo (Caasimadda Online) – Hoggaamiyaha Xarakada islaamiga ah ee  Xamaas ahna xubin siyaasadeed oo ka tirsan ururkaas Maxamuud  Al-Zahar oo Maalintii Sabtida aheyd gaaray Magaalada Qahira ee Dalka Masar ayaa sheegay inuu socdo olole lagu doonayo in Israa’iil lacag lagu siiyo ayna duqeymo cusub ka geysato Magaalada Gaza ee dhulka Reer Falastiin.

Hoggaamiyaha Xamaas ayaa sheegay inay iyaga diyaar u yihiin in la is dhaafsado Maxaabiista la kala heysto ayna dhankooda soo daayaan kuwa ay Israaiil ka heystaan ayagana ay soo daayaan qoysaska ay Falastiiniyiinta ka heystaan.

Al-Zahar oo wareysi gaar ah siiyey Al-Khaliij Online  ayaa sheegay inay socdaan qorsho uu wado Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas iyo dowlado Carbeed oo la doonayo in lacag lagu siiyo Israa’iil sidii ay u duqeyn laheyd Magaalada Gaza ee dhulka Falastiin.

“Cabaas wuxuu  qorsheenayaa duqeymo cusub oo laga fuliyo Magaalada Gaza, waxaana howshaas dhinac kala wado dowlado Carbeed kuwaas oo lacag ku bixinayo in duqeymo cadownimo ah lagu qaado Magaalada Gaza” ayuu yiri Al-Zahar oo wareysi siinayey Al-Khaliij Online.

Al-Zahar oo la waydiiyey inuu faahfaahin ka bixiyo qorshahaan socdo iyo Dowladaha wado ayaa ka gaabsaday inuu hadda faahfaahin ka bixiyo isagoo kaliya ku gaabsaday inuu Cabaas qorshahaas u gudbiyey dowlado Carbeed ayna socdaan olole culus oo ka dhan ah Magaalada Gaza.

Wuxuu sidoo kale sheegay in qorshahaan ay ka qeyb ka tahay in la xayiro lacagaha Bankiyada ku jiro, In xubnaha Xamas laga joojiyo Mushaarka iyo in Mushaarka laga joojiyo Xubnaha Maamulka ee Magaalada Gaza.

Wuxuu sheegay inuu Cabaas wado qorsho lagu barakinayo dadka Gazza dagan, isagoo sheegay inuu arrintaas kala shaqeenayo Maamulka Israa’iil ee xoog ku heysto dhulalka Reer Falastiin.

Al-Zahar ayaa sidoo kale sheegay inuu Cabaas dhabarka u saarinayo Xamaas weerarkii lagu qaaday Ra’isulwasaaraha Xukuumadiisa kaasoo ka dhacay Magaalada Gaza, wuxuuna si cad u sheegay inaysan wax lug ah ku laheyn Xamaas.

Al-Zahar ayaa sidoo kale sheegay inuu Cabaas hoos u dhigay 40-50% mushaarka la siinayey Shaqaalaha maamulka Gaza ayna tahay ujeedada laga leeyahay in lagu ciqaabo weerar aysan shaqo ku laheyn.,

Mar wax laga waydiiyey sababta uu Qaahiro u joogaan isaga iyo xubno ka tirsan Xisbigiisa ayaa ku sheegay kaliya inay tahay sidii si hoose loogu xalin lahaa Khilaafka Gudaha ah ee kala dhaxeeyo Fatax, balse wuxuu meesha ka saaray in marnaba aan laga wada hadleyn  sidii loo furi lahaa Heshiisyo nabadeed oo cusub.

Wuxuu sheegay inuu Xisbigiisa weli ku taagan yahay heshiisyadii ay kala saxiixdeedeen sanadkii 2011 iyo 2017 ayna diyaar u aheyn in la galo heshiis cusub maadaama la fulin waayey kuwii hore loo wada galay.

Madaxweyne Cabaas ayuu ku eedeeyey inuusan diyaar u aheyn fulinta heshiisyadii la galay Sanadkii 2011 isagoo ka cararayo qodobo ku jiro heshiiskaas oo dhigayo inay dhacaan Doorashooyin madaxweynimo iyo mid Baarlamaan.

Caasimada Online
Xafiiska Cairo
Caasimada@live.com