Dr. Baadiyow: Farmaajo iyo Muuse Biixi laba arrin ayey ku xaqiijiyeen kulankooda

Nairobi (Caasimada Online) – Dood kulul oo xalay ka baxday TV-ga Universal, oo ay iskugu yimaadeen aqoonyahano kasoo jeeda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa looga hadlay wada-hadallada labada dhinac, iyo sidii ay isugu soo dhowaan lahaayeen.

Doodda ayaa dadkii ka qeyb-galay waxaa ka mid ahaa Dr. Cabdirahman Baadiyow oo ah xubin ka mid ah guddiga dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo Somaliland iyo Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ah aqoonyahanada kasoo jeeda Gobollada Waqooyi.

Waxyaabaha kulanka lagu soo qaaday ayaa waxaa ka mid ahaa safarkii la hadal hayay in uu Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Somaliland, ee baaqday maalmo ka hor, kadib markii uu diiday madaxweyne Muuse Biixi.

Dr. Cabdirahman Baadiyow ayaa ka hadlay muhiimadda kulankii labada madaxweyne u dhex maray magaalada Addis Ababa.

“Ma aha in lagu mashquulo tafaasiisha ee labo arrin oo waa weyn ayay xaqiijiyeen labada madaxweyne, oo tan koowaad ay tahay is aragga aan shuruudda lahayn iyo tan labaad oo ah inay diyaar u yihiin daahfurka wada-hadallada, kaas oo uu ku mahadsan yahay Abiy Ahmed.”

Dr. Badiyow ayaa sheegay in labadaasi arrimood ay albaabka u furayaan wada-hadal dhab ah oo farsameysan oo tallaabo tallaabo loo qaado oo dhex mara labada dhinac.

“Waxaan aad u soo dhawaynayaa garoowshihii uu bixiyay madaxweyne Farmaajo isaga oo ku hadlaaya magaca dowladda Soomaaliya, oo ka geysatay tacadiyo waa weyn oo qaybo ka mid ah gobollada Waqooyi ka dhacay, xilligii dowladdii hore,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Baadiyow.

Baadiyow waxa uu sidoo kale sheegay in uu soo dhaweynayo in Madaxweyne Muese Bixi inuu laabfurnaan ku aqbalay ggarowshihii madaxweyne Farmaajo.

Hoos ka daawo muuqaalka

W/Q: Cabdixakiin Cilmi Xasan
cabdixakiin441@hotm ail.com
Nairobi Kenya