Somaliland oo amar culus ka soo saartay dhalinyarada u safarta Muqdisho

Hargeysa (Caasimada Online) –  Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka hadashay dhalinyarada u safarta magaalada Muqdisho, ee muddooyinkii dambe aad u soo badanayey.

Jaamac Maxamuud Axmed, Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex oo arrinkaasi ka hadlaya ayaa uga digay dhalinyarada reer Somaliland inay u safraan magaalada Muqdisho oo ay tagaan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale dhalinyarada ugu baaqay inay ka faa’iideystaan fursado uu sheegay inay xukuumadooda ugu talo gashay dhalinyarada Somaliland.

Waxa kale oo uu guddoomiyuhu laab lakac ku tilmaamay fursadaha ay dhalinyarada reer Somaliland ka heleen dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo ay uga dan leedahay burburinta qaranka Somaliland, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Masuuliyiinta wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha, waxay heegan ugu jiraan in ay fuliyaan siyaasadda dhalinyaradda oo ay wakiil uga yihiin madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, oo ahmiyad badan u haya dhalinyaradda” ayuu yiri Guddoomiye Jaamac Xaaji Axmed.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntiina dhalinyarada usoo jeediyay inay ilaaliyaan jirtaanka qaranimadooda, isla markaana ay iska dhago tiraan gacan-haadiska dowladda federaalka.

Wuxuuna dowladda federaalka u soo jeediyay inay u yeedhashada ka daayan dhalinyarada reer Somaliland, maadama ay ku nool yihiin dhul amaan ah.

Waxa muddooyinkii dambe aad u soo badanayey dhalinyarada reer Somaliland ee u safarta magaalada Muqdisho, kuwaasi oo cabudhin iyo arrimo kaleba uga taga deegaanada Somaliland, midaasi oo xukuumada Biixi si weyn loogu dhaliilo.