Duulimaadyada gudaha ee garoonka Aadan Cadde oo hakad galay iyo sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka saaka laga helayo Aadan Cadde ayaa sheegaya inay hakad ku jiraan duulimaadyada gudaha ee garoonkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkadaha duulimaadyada ay sameeyeen shaqo joojin, kadib markii lagu guul darreysay in xal laga gaaro khilaaf soo kala dhex-galay iyaga & taliska nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka

Wararka ayaa sheegaya in talisku uu shaqo joojin ku sameeyey mid ka mid ah shirkadahaasi oo si maalinle ah ku tegi jiray gobollada, taas oo ay ka caroodeen.

Sidoo kale guddi ay ku mideysan yihiin shirkadaha diyaaradaha ayaa ku dhaawaqay shaqo joojintaasi, kadib markii shirkad ka tirsan kuwa ka shaqeeyaduulimaadyada gudaha loo diiday inay aado garoonka diyaaradaha degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Buuq ka dhashay arrintan ayaa lagu soo warramayaa inuu haatan ka taagan yahay garoonka Aadan Cadde oo ay ka xayiran yihiin rakaab badan oo ku sii jeeday gobollada.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka garoonka iyo hay’adda duulista raydika Soomaaliyeed oo ku aadan dhacdadaasi.

Si kastaba ha’ahaatee maalmo ka hore ayey aheyd markii ay dibad-bax cabasho ah sameeyeen howl-wadeenada garoonka Aadan Cadde, ka gadaal markii ay isku dhaceen maamulka shirkadda Favori oo gacanta ku heysa garoonka diyaaradaha Muqdisho.