Wareysi: Justin Horsman: “Xusuusaheygii farxada iyo murugada ee Soomaaliya”

Washington (Caasimada Online) – Justin Horsman oo ka mid ahaa ciidamo Ameerikaan ah kuwaasoo Soomaaliya loogu soo daabulay kadib dagaalkii sokeeye ee waddanka ayaa wuxuu si furan u shaaciyey xusuusihii uu diiwaanka ku qoray.

Wareysi uu siiyey wargeyska The Examiner Enterprise ayuu ugu horeyn kusoo bandhigay wixii ugu wanaagsanaa ee uu la kulmay markii uu Soomaaliya joogay xilli uu xusay in maalintiisii ugu horeysay ay xabad haleeshay.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in xasuustiisii ugu wanaagsaneyd uu diiwaan geliyey maalintii ay xabaddu ku dhacday, taasoo ah in uu $2 ku iibsaday cunto Soomaali qiimaheeda uu gaarayey Labaatan Doolarka Maryekanka.

“Sababta waxay ahayd lacagta qiima ma lahayn. Dowladda waxay bedeleysaa sicirka 30-kii maalmood hal jeer. Waana maalintaas mrkii uu u toogtay qof shiisheeya ah, waxayna ahayd maalinteydii iigu horeysay guud ahaan Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa kusii daray askarigaan.

Wax auu xusay in uusan dareemin daqiiqadihii ugu horeeyay ee xabadaas ay haleeshay, balse markii uu dhulka dhacay uusan helin gargaar “xataa dadkii ima aysan siin dareen, waxay iska sii wateen socdaalkooda”.

Shaqsi uusan kala caddeyn hadii uu Soomaali ah iyo in kale ayuu ka dhawaajiyey in uu la socdey isla markaana uusan isaga xitaa caawin.

Xusuustiisii ugu xumeyd ayuu ku qeexay dagaaladii uu ka qeybgalay saddex bilood oo waddanku joogay “gaar ahaan dhiig hareeyay dhabarka dambe ee gaarigeena, meydadka askar Ameerikaan ah iyo calankeena oo dhacaya”

Si kastay ahaato, Justin Horsman ayaa kamid ahaa guutada 24aad ee ciidamadda Mareykanka gaar ahaan kuwa looga jawaabo meelaha ay qalalaasaha ka dhacaan, waxaana afka qalaad lagu yiraahdaa Marine Expeditionary Unit.

W/T: Garowe Online