Ethiopia oo hubeyneysa C/kariim GUULEED iyoo xulafadiisa (Xog)

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Waxaa asbuucyadii lasoo dhaafay xoogeysanaayay xiriirka ka dhexeeya Dowlada ethiopia iyo maamulka Galmudug, kadib shaqaaqadii ka dhacday xadka kala beyra Ethiopia iyo maamulka.

Dowlada Ethiopia ayaa madaxweynaha maamulka kaga farxisay ballanqaadyo dhowr ah oo ay ugu horeyso inay hubeyn doonto islamarkaana ay u sameyn doonto Qasnad dhaqaale oo gaar ah.

Ethiopia ayaa C/kariin Guuleed kaga farxisay inay u tababareyso ciidamo dhan 6,000 kuwaasi oo qeyb qeyb loo qaadi doono, waxa ayna sidoo kale ballanqaaday inay bixineyso gaadiid dagaal iyo Hubkii ay Galmudug isticmaali laheyd.

Fulinta ballanqaadkani ayaa lagu wadaa inuu hirgalo asbuuca nagu soo aadan oo la filaayo in Ethiopia loo dirro 1,500 oo loo soo tababari doono Millitery iyo Boolis.

Dowlada ethiopia ayaa horay u gumeysan jirtay maamulada Jubbaland, Puntland, Koonfur galbeed, waxaana iminka soo xigay Galmudug oo safka gumeystaha gashay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com