Jeesow oo xog ka baxshay xil uu ka taagan yahay Khilaaf badan

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Gudiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka Federaalka Somalia, ayaa si adag uga hadlay xil ka qaadis lagu sameeyay Guddoomiyaha Degmada Buulo-burte C/caciis Duuroow.

Jeesow waxa uu sheegay inaan la aqbali karin in Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan baahidiisa uu xilka uga qaado Guddoomiyaha Degmada, waxa uuna tilmaamay in qaabka xil ka qaadistaasi loo maray ay tahay mid sharci darro ah.

Jeesoow ayaa ku tilmaamay xil ka qaadista Guddoomiye Duuroow mid aan sharci aheyn waxuuna intaasi ku daray in xil ka xayuubinta awoodeeda ay leedahay Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Somalia, hayeeshee isaga uusan garankarin sababta ka danbeysa xil ka qaadista uu ku sameeyay Guddoomiyaha.

Jeesow waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan keliya uu leeyahay soo jeedin, sidaa aawgeedna aysan qaadan doonin in Guddoomiyaha Degmada xilkaasi laga qaado.

”Waxaan halkaani ka cadeynayaa in Guddoomiyaha Gobolka uu si cad ugu tuntay sharciga, waxa uu qaadacay nidaamka Wasaarada xil ka qaadista Guddoomiyaha Degmada waxaa leh wasaarada arrimaha gudaha”

”Haddii uu jiro damac xilkaasi ah waxaan ku talin lahaa in dabageed uu ka fiirsado”
Dhanka kale, Xildhibaan Jeesow ayaa si cad u qaadacay go’aanka xilka looga qaaday Guddoomiyaha Degmada Buulo-burte C/caciis Duuroow.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com