Faahfaahin: Dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka Buuloburde + Khasaaraha

Buuloburde (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka ayaa maanta weeraray deegaanka Jicibow oo hoos taga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, kadib markii ay ka war heleen in kooxda Al-Shabaab ay isku uruursaneyso halkaas.

Ciidanka qaranka oo gacan ka helaya dadka deegaanka ayaa hareereeyey Al-Shabaabkii lagu weeraray degaanka Jicibow, gaar ahaan goob wabiga jiinkiisa ah, maadaama ay doonayeen inay halkaas ka talaabaan.

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaal xoog leh uu gelinkii dambe ee maanta ka dhacay degaanka Jicibow, isla markaana uu jiro khasaare xoog leh, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay

Saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka howlgalkaas fuliyey ayaa balan qaaday in khasaaraha la gaarsiiyey kooxda iyo hub badan oo laga furtay ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan.

Warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa ilo-wareedyo Militeri ayaa werisay in ciidanka xoogga dalka ay ku guuleysteen in ay kala eryaan, qaarna laayaan dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayay deegaanka.

“Ciidanka iyo dadka deegaanka ayaa iska kaashanaya howlgalka socda ee lagu soo qabanayo haraadiga cadowga,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Dhamaadkii bishii hore ee Sebtembar, ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa ku guuleystay in ay Al-Shabaab ka xoreeyaan in ka badan 40 deegaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaca kale sheegtay inay xirtay 40 ka mid ah akoonnada Twitter-ka iyo Facebook-ga oo ay Al-Shabaab ku faafin jireen wararkooda iyo afkaaraha xagjirnimada ah.