Madaxweyne Xasan Sheekh iyo culimada oo wada qorshe cusub oo lagu dhisayo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed oo warbaahinta la hadlay ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixiyay kulankii u horeeyay ee dhex-maray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Culimada Soomaaliyeed.

Sheekh Wajiis ayaa shaaciyay in kulankaas lagu go’aamiyay dhismaha Gole Sare oo arrimaha Islaamka ee Soomaaliyeed, kaasi oo ay leeyihiin inta badan wadamada Islaamka ah, sida uu sheegay.

“Waxaa laga wada-hadlay arrimo aad u muhiim ah, waxa la isla qaaty in la mideeyo Culimada Soomaaliyeed oo la iclaamiyo shir weyn oo ay isugu yimaadan culimada oo dhan oo dadka madaariska kala duwan iyo fikriga la isku keeno, si loo abuuro Golaha Sare ee arrimaha Islaamka ee Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhismaha Golahaan uu hakad ku yimid muddo xileedkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh, hase yeeshe xiligaana ay isla qaatan in lasii amba-qaado.

“Madaxweynaha waxa uu Culimada u soo jeediyay inay kaalintooda muhiimka ah ka qaatan dib xoreynta dalka iyo fikirka xagjirka oo horkacaan dadaalkaas ballaaran ee wado dowladda. Culimada awal waa wadeen dadaalka waxayna ballan-qaadeen inay sii laba-laabi doonaan.”

Sheekh Wajiis ayaa ugu dambeyntiina sheegay in kulankaas lagu gaaray wada-shaqeyn guud oo dhexmarta dowladda iyo culimadda Soomaaliyeed, si loo hagaajiyo qeybaha kala duwan ee Garsoorka, Dacwadda & Ilaalinta Dhaqanka iyo Diinta dalka.