Maxay tahay kooxda askarta ku laysay gudaha Jabuuti?

Jabuuti (Caasimada Online) – Qeyb kamid ah mucaaradka dalka Jabuuti ayaa ku baaqday in la dejiyo xaaladda, kaddib markii garabka hubaysan ee fallaagada Front for the Restoration of Unity and Democracy (FRUD) ay Jimcihii askar ku laayeen saldhig ku yaalla waqooyiga dalkaas.

Wasaaradda gaashaandhigga ee Jabuuti ayaa sheegtay in weerarkaas lagu dilay 7 askari, islamarkaana ay baadigoobayso lix kale oo lagu waayay weerarka.

Jabhadda FRUD ayaa dagaal ka dhan ah xukuumadda dalkaas billowday 30 sano ka hor.

Mucaaradka baaqa soo saaray waxaa kamid ah xisbiga RAAD oo uu guddoomiye u yahay Cabdiraxmaan Maxamed Geelle ahna duqii hore ee caasimadda Jabuuti.

Waxa uu BBC-da u sheegay in ay ka xun yihiin dagaallada iyo dhimashada meesha ka dhacay: “Ma jeclin in [dalkeenna] uu wax qalalaase ah ka dhaco oo uu dhiig ku daato.

“Waxaan leenahay nabad baa caano macaan, dagaal wiil kuma dhashee wiil baa ku dhinta, marka taliska Jabuuti waxaan ugu baaqeynaa maaddaama xaaladdu ay cakiran tahay inay xaallada dejiyaan, ma jeclin in dadkayaga iyo askartayadaba ay ku dhintaan dagaal gudaha ah, askarta waxaa loogu talagalay in cadowga shisheeye ay difaacaan ee ma aha in dhexdayada loo adeegsado,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Maxamed Geelle.

Jabuuti Waxay ku taallaa mid ka mid ah marinnada maraakiibta ugu mashquulka badan adduunka, halkaas oo Badda Cas kaga darto Gacanka Cadmeed.

Waxaa ku taalla mid ka mid ah dekedaha ugu waaweyn Bariga Afrika, sidoo kalena saldhigyada ciidamada Maraykanka iyo Shiinaha ayey martigelisaa.

Horay waxaa Jabuuti uga dhacay mudaharaadyo inta badan lagaga soo horjeedo xukuumadda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo xisbigiisu muddo dheer xukumayay dalka.

“Weerarkii ugu dambeeyay ee FRUD wuxuu ahaa Janaayo 2021, markaasoo hal askari lagu dilay.” Alexis Mohamed oo ah la taliyaha Geelle ayaa sidaas u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Maxay tahay fallaagada FRUD?

Waxaa la aasaasay 1991-dii, waxaana la sheegay in loo aasaasay danaha dadka Canfarta ah ee ku nool dalka Jabuuti.

Jabhadda ayaa waxaa la sheegaa inay haysato taageerayaal ku nool dalka dibaddiisa.

Sannadkii 1994, kooxdu  waxay u kala jabtay laba garab: garab qunyar socod ah oo uu hoggaaminayay Cali Maxamed Daa’uud, kaas oo heshiis nabadeed 26 December 1994 dowladda kula saxiixday magaalada Adiis Ababa, halka garabkii kale ee uu hoggaaminayay Axmed Diini Axmed uu ku gacan sayray heshiiskaas, kaas oo sii ahaa mid hubeysan oo ku dhawaaqay iska caabin.

Khalalaasihii dhacay sannadkii 1994 waxaa la sheegay in ay ku dhinteen ku dhawaad 1,000 qof.

Ka dib waxa billowday kacdoon cusub oo ka dhan ah dowladda Jabuuti, iyada oo jabhadda lagu eedeynayay in ay taageero hub ka helaysay Ereteriya si ay u gooyaan marinnada saadka ee Jabuuti ilaa Itoobiya oo aan bad lahayn, gaar ahaan intii uu socday dagaalkii Eritera iyo Itoobiya. Kacdoonkaas waxa uu sababay dhimashada 100 qof.

“Bishii Maajo 2001, koooxdii ka goosatay FRUD  waxay heshiis nabadeed la saxiixatay dowladda balse koox saddexaad oo heshiiskaas ka hartay ayaa hadana sii wadda dagaalka ay leeyihiin waxaan ku rabnaa isabadal dimuqraadiyadeed iyo caddaalad,” ayuu BBC-da u sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Geelle.

“Waxay ila tahay jabhaddan aysan ku qanacsanayn heshiiskii dowladda ay la galeen kooxihii kale ee ay ka goosteen si la mid ah heshiiskii siyaasadeed ee aan annagu dowladda la galnay ee aannu ugu qanacsanayn oo runtii ay nagaga baxday,” ayuu sii raaciyay.

Xigasho: BBC