Wararkii ugu dambeeyey Diyaarad lacag badan u siday Safaaradda Imaaraadka Carabta oo lagu qabay Garoonka Muqdisho (Tirada + Sawiro)

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in diyaarad lacag fara badan u siday safaaradda Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho lagu qabtay Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Diyaaradaan ayaa waxaa la sheegay in ay ka timid Wadanka isutaga Imaaraadka Carabta,isla markaana lacagta saarneyd Diyaaradaas ay leedahay Dowladda Imaaraadka Carabta.

Diyaaradda ayaa siday lacag gaareyso ilaa 14 Malyan oo Dollar taasoo ku kala jirtay dhawr boorso.

Ismaandhaaf ku aadan lacagtan ayaa ka taagan garoonka, iyadoo diyaaradda timid garoonka ay diiday in la baaro.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qeyb ka mid ah lacagta loo wado Puntland, kaasoo mushaar ahaan loogu tala galay Ciidamada Puntlamd ee loo yaqaano PMBF ee ay tababareen Imaaraadka Carabta, halka qeybta kalena u socoto Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho.

Ilo ku sugan garoonka ayaa ii xaqiijiyay in imaatinka diyaaradda lacagta siday laga war hayay, balse inta ay la egtahay lama oga cadadkeeda.

Waxaa laga cabsi qabaa in lacagtan loo adeegsado arrimo siyaasadeed, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay cirka isku shareertay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho, kaasoo ka dhashay mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari.

Dowladda imaaradka carabta ayaa looga shakisanyahay in ay abuurtay jahwareerka siyaasadeed ee kajirta dalka soomaaliya, waxaana macquul ah inay lacagtaan u rabtay sidii loo kala furfuri lahaa Xildhibaanada kasoo horjeedo Prof. Jawaari.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com