Faahfaahin ku saabsan Meydka Qof aan la aqoonsan oo lagu arkay Xaafad ka mid ah Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka aynu ka heleyno Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in dadka Degmadaasi ay Saakay arkeen Meydka qof Dhaawacyo ka muuqdo oo aanan la bargaran.

Dadka deegaanka oo Mustaqbal la hadlay ayaa sheegay in Jismi ahaan uu isbadalay qofka Meydkiisa ay ku arkeen Degmadooda, jirkiisana ay ka muuqdeen Dhaawacyo jirdil kaga soo gaaray sidoo kalane uu ka muuqdo Xarig u ekaa in lagu xir-xiray.

Waxa ay intaa raaciyeen in uu bararsanaa qofkaasi ayna sheegeen in uu ula muuqday qof la dilay Maalin kahor.

Ciidamada Degmada Kaaraan ayaa kolkii dambe gaaray Laanta Nageele Degmada Kaaraan oo lasoo dhigay Meydka qofkaan.

“Haa walaal saakay ayaan xaafadeena waxaa la soo dhigay nin meyd ah oo uu jirdil ka muuqdo,walal waa xaafad u dhaxeysa Masjidka Xaaji Culumo iyo burka diikow inta u dhaxeysa,meydkana weli wuu yaalla waana la yaabanahay oo mala aqoonsan mana ogin cida dishay laakin isaga oo meesha yaalo bis ayaan aragnay ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka”

Sidoo kale waxa uu sheegay in jirkiisa sidoo kale lagu arkay waxyaabo dab u eg,isla markaana ay Ciidamo saakay u yimaadeen kadibna ay ka tageen.

Weli dhacdaan ah Meydka saakay lagu arkay Xaafad ka mid ah degmada Kaaraan kama hadlin maamulka degmada,iyada oo dadka deegaanka ay weli hadal hayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com