Faahfaahin ku saabsan qarax caawa ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoog leh ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel aad ugu dhaw Barta-Control ee laga ilaaliyo wadada aada dhinaca garoonka Aadan Cadde.

Nooca qaraxaas oo ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda ayaa lagu bartilmaameedsaday sarkaal ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya, balse waa uu ka badbaaday, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dhanka ammaanka ah.

Gaari nooca aysan xabadu karin ah oo uu watay sarkaal lagu magacaabo Maxamed Daahir oo kamid ah saraakiisha sare ee ciidanka booliska Soomaaliya ayuu haleelay qaraxaas, xilli uu marayey agagaarka Hotel Afrik.

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa ilaalada sarkaalkaas ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay qaraxaas.

G/Sare Maxamed Daahir ayaa horay taliye uga soo noqday qeybaha Saldhig Galbeed, Wiyow Cadde iyo Saldhigga degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya weli wax faahfaahin ah kama aysan bixin qaraxaas caawa ka dhacay Muqdisho, ee lagu bartilmaameedsaday saraalkan ka tirsan booliska Soomaaliya.