Xalka arrinta Gedo: Kaalinta Rooble, Axmed Madoobe iyo AMISOM (Faah-faahin)

Muqdisho (Caasimada Online) – War-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa waxaa si gaar ah loogu faah-faahiyey qaabka looga heshiiyey arrinta Gedo, oo qeyb ka aheyd qoddobada ugu adkaa ee heshiiska laga gaaray.

Golaha ayaa go’aamiyay abuurida guddi dib u heshiisiineed oo ka kooban dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo aysan ku jirin Jubbaland, guddigaas oo lagu soo magacaabayo 3 maalmood gudahood, taasi oo ka bilaabaneysa maalinta heshiiska la saxiixay.

Madaxda shirweynihii doorashada ayaa go’aamiyay in Rooble uu garwadeen ka noqdo amniga iyo dib u heshiisiinta gobolka Gedo, xili ay hore ugu sugnaayeen ciidamo si gaar ah uga amar qaata madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday.

Go’aanka ay mas’uuliyada doorashada Gedo u saareen Rooble ayaa lagu sheegay si ay habsami uga dhacdo doorashada xildhibaannada.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa la siiyey awooda magacaabista xubno maamul cusub oo ay yeelato degmada Garbahaarey, kuwaas oo lagu wado inay usoo gudbiyaan guddiga dib u heshiisintu.

Shaqada loo igmaday guddiga dib u heshiisiinta Gedo ayaa lagu sheegay inay tahay dhameystirka qorshada xasilinta gobolka iyo jawiga qabsoomida doorashada Garbahaarey oo loo muddeeyay muddo 30 cisho oo ka bilaabanaysa maalinta la magacaabo, sida ku qoran war-murtiyeedka.

Sidoo kale waxaa la isla qaatay in Ciidamada booliska AMISOM la geeyo Garbahaarey, kuwaas oo sugaya amniga magaalada iyo goobta ay ka dhacayso doorashada.

Heshiiska laga gaaray arrinta Gedo ayaa inta badan waadaqsan soo jeedintii guddigii farsamada ee Baydhabo.

Waxaa xusid mudan in heshiiska doorashada ee qeybta ka tahay arrinta Gedo in la gaaray ayada oo ka maqan yahay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, oo ay xiisada gobolkaas si gaar uga dhaxeysay Axmed Madoobe.

Si kastaba, dalka ayaa u jiheystay dhanka iyo doorasho kadib is-qab-qabsi badan oo ka dhashay khilaafkii doorashooyinka oo kal hore caasimada ka riday qalaalase amni.